Fulinta (Dawlad)

Ka Wikipedia

Awooda Fulinta (Af Ingiriis : executive; Af Carabi : ar‎) waxaa loo adeegsadaa qayb kamid ah dawladda ee ka masuulka ah siyaasadda si ku dhisan habka Baarlamaanka udhajiyey, waxayna ku dhisantahay qaabab kala duwan (Ra'iisul wasaare, Hogaamiye, ama Madaxweyne jamhuuriyadda) waxaana hoos yimaada madaxweynaha Wasiirada, Maamulka Siyaasadda ee joogtada ah iyo kuwa meertada ah sida Sida Booliska iyo militariga.

Golaha fulinta waa awood uu leeyahay wadan walba waxa ay golahu qabtaan adeegyada ay ubaahanyihiin bulsahadoda. Tusaale ahaan waxa ay ka doodayaan dhibaatada dhacda sida qaraxyada, dagaalada, iyo abaaraha waxa ay soo saarayaan war murtiyeeed ku saabsan waxa ay dawlada ama xukuumada ka go'aansatay dhibta dhacday. Marka aan ku hadleyno soomaaliya waxa ay leedahay golo fulineed oo ay dadka soomaalidu uyaqaanaan golaha xukuumada.

Hordhac

Nooc kasta oo maamul ah ama xukuumada waxa ay leedahay ra'iisul wasaare kaas oo ah kan ugu sareeya golaha fulinta. hadaba sidee bay ku yimaadaan golaha fulinta yaase soo doorta. marka gole wsaiiro lasamaynayo soomaaliya ahaan waxaa marka hore lamagacaaba ra'iisul wasaare ka dibna ra'iiska isagaa ayaa soo magacaaba golaha fulinta goalaha fulintu waa gole ka koobnaado habda sida uu kusoo magacaabo ra'iisul wasaaraha magcaabistana waxa uu wada tashiyo badan kala sameeyaa xubnaha ugu sarsareeya dawlada sida madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada qaar waxaana ugu dambeyn lagu dhawaaqaa golaha lasameeyey shaqooyin badan ayey qabtaan golaha waxaa ka mid ah shaqooyinkooda:

  • Maamulka maaliyada,
  • Maamulka hawada,
  • Maamulka shaqada iyo shaqaalaha,
  • Maamulka caafimaadka,
  • Maamulka amniga,
  • Maamulka ciidamada sida Ciidanka Xooga, nabad sugida iyo booliiska iyo shaqooyinka kale oo badan

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  • "The Executive Branch". The White House. Retrieved 4 July 2015.
  • "Executive Branch of Government in Canada". Parliament of Canada. Retrieved 4 July 2015.

Tixraac