Gabay : (ul iyo diirkeed)

Ka Wikipedia

ul iyo diirkeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gabaygakan waxan tiriyay marki taariikhdu ahayd 1991 Marka burca iyo hargeysa soo jooga laga waayay oo ay ku adkaysteen go,id baanu rabnaa oo ay sababa Badan sheegeen sidaas darteed waxan usheegayaa dhibaatadu in ayan Kaligood ku dhicin go’niinkunah xal ahayn


  • Duul yohow woqooyiga degani waadna dulumteene
  • Danni baad gasheen iyo wax anay diintu soo warine
  • Sidi an idin dayacay baad xumaan nagula doodaane
  • Marki uu dunida dhaafihi siyaad colalka soo duubay
  • Dooxada garoowe ah marki uu nagu damaashaaday
  • Dubayaal wuxuu nala dhacee nagu dulheesaayay
  • Dubabada lalaayiyo wuxu saana nagu daashay
  • Wixii haro daboolayd marki miino lagu duugay
  • Doonyaha markuu nagagubee daabad naga dhawray
  • Duqay iyo akhyaar iyo wixii maato lagu dooxay
  • Adiguba durbaan baad siday oo daacadku ahayde
  • Marseh haddii nabsigu kugu dalacay wiishka dabaqdiisa
  • Haddii u ciidan kuu soo diree kugu dinaahyay
  • Miig duulimaad badan hadi uu kugu dakaansiiyay
  • Dumidii hargeysaad hadi ad subax ka daaduuntay
  • Dulcad iyo haday kugu shubeen xabashi deyrkeeda
  • Anigu waan damqanayayo markaas diilalyaan qabaye
  • Farxad lamadilaacine qalbigaan daaya kalahaaye
  • Hayeesheeh wixii dib udhacay baan laga dawoobeyne
  • Dusha adari dooxada mudug ah iyo kunfur
  • Duufaan dhacaysiyo abaar daadufaa timiye
  • Ayax baa ka diirtayoo dhirtii doogi ka idlaaye
  • Dhulkii baa dumayo cirkaan roob ka soodi’ine
  • Dabaqyadi dhisnaa iyo burbure daarihii xamare
  • Daafi juba iyo webiyadii lagu dagaagowye
  • Doorki rageeniyo idlaa diricyadiisiiye
  • Dumar wada agoonaa kubadan meelahaad deyine
  • Duqay wada hamuunaysah baa loodeweriyaaye
  • Diif iyo waxaan wada qabnaa diiqsanaan shacabe
  • Soo duubte orobo iyo intay deris wadaageene
  • Dunidu kanay bangaladeesh ku tahay deeq naloo fidiye
  • Hayeesheeh dacwaan kuu hayaa doogta kaa bi’ine'
  • Midnimaa dan iyo lagu helaa dowlad iyo xooge
  • Dad walal ah iyo waxaynu nahay ul iyo diirkeede
  • Dedii igayarayd baad tahay iyo kaan dugsanayaaye
  • Diintiyo islaamkaynu nahay niman ku daawaaye
  • Dalka ha goynin oo yaan ibliis daasad kuu tumine

Qore Axmed yusuf "sheeka xariir