Gabaygii: Haw u tagin shisheeyaha, abwaan kulmiye
Gabaygan waxaa uu tiriyey adan kulmiye wuuxuna tiriyey 23 juley 2025kii, waxayna ka hadlaysa maansada tahriib halistiisa iyo tala uu siinayo abwaanka dhalanyarada aadaysa tahriibka, wuxuu yiri:
Tada gabayga waa taan ka tagay taada iyo wowga
Tixdeeda baa la ogaa inaan taajir ku ahaaye
Tiigsadow maqal tuduca adaan kuu tabinayaaye
Tobaneeyo jeer baan idhiye toogashada daaye
Tawakal ilaahay asaa turuqa maamula e
Oo keligiisa tuug markaad talaba weydaaye
Haw tagin nimaan kuu tareen kumi iyo taane
Tolkaadan ogeyn inaad tacabbirku aadaaye
Taylan iyo kuwa doonin inaad taa'ib noqotaaye
Oo tagagsiga ku jirto dooniyo nolol taagdarane
Tusmooyinaan jiriniyo haddii laguu tusaaleeyey
Taageero badaniyo haddii laguu tilmaamaayo
Taakulaynta gaalkiyo hadday kuu daliil tahaye
Tusmeyso taariikhdiyo kuwa taambuuggu heline
Tanaad iyo haddaad doonayso taajir maal badane
Ama tayse nololeed iyo inaad tamashle aadaaye
Tacabkaaga beero inataad tagoogo leedahaye
Tab iyo baro taawiisha adaa taajirkaa noqone
Intaa waa talo iyo waxaan kuu tilmaamaayey
Tu kale intaan u gudub haddaan tuulka yara aado
Ee u toog haay tuduca adaa xaajadaa tabane.
Kol hadday ku tidhi niyaddu kaalay soo tumo e
Oo tolkaaga kula ogayn inaad taako soconayso
Tiisigaaga kula weyn oo tookalaan aragahayn
Socdaal tankaaga ahayn aad ciidda tumayaysto
Oo qaadi kari hayn tallaabada oofka maad tebine
Sidii toddobaantan jira baa tiigsigaa wadane
Taayimkaa lumiyey saxaraha liibya kuu tagane
Midaan tolkaaga garan wixii doolar kuu tumaba
Tuuggii cawaandiga wixii talis ku geeyaaba
Tagoogaha intuu kaa xidho wixii taarad kuu sugaba
Oo tiimkiisa kula tago wixii lagu tokooraaba
Nimaan tabarba kuu hayn wixii tala ku siiyaaba
Tagtaye maxay kuu tari aan lagu tawaawayne
Tollayeey iyo haddaad tiraa tabar laguu hayne
Haw tagin shisheeyaha haddaan talo ku moogayne.