Gahayle

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

=== gahayle oo magaciisa kale ahaa Axmed aabihii wuxuu ahaa Maxamed oo lagu naanaysi jiray Daa'uud, abtiriska si guud marka loo eego waa sidan "Axmed Maxamed xuseen talareer noolays aawe maxamed harti koombe kablalax daarood" Odaygii maxamed ahaa oo dhalay gahayle ama Axmed waxa uu dhalay laba wiil oo isku bah ahaa kuwaas oo la kala oran jiray Qaasim iyo muse iyadoo Axmedna uu ahaa bah gooni. dabadeedna waxa dhacday in Axmed uu nabar ku dhuftay Qaasim Maxamed kaas oo keenay in uu u dhinto, waxana taasi ay dhalisay in loo baqo Axmed in la dilo sidaa darteed ayaa aabihii oo maxamed ahaa go'aansaday in uu la baxsado oo wiilka uu badbaadiyo. waxa ay u soo jihaysteen dhinacan iyo gobolka sanag iyagoo oo labadii faras ee ay wateen ku xidhay meel u dhow caduur oo la yiraahdo geenyo dabar, sababta ay magacaas ulla baxdayna ay tahay in Axmed iyo aabihiis ku xidheen fardihii ay wateen. - Axmed (gahayle) qur'aanka ayuu si fiican u yaqaanay waxana uu bilaabay in uu dadka qur'aanka baro , waxa markiiba gabadhii ugu horeysey ee uu guursaday siiyey boqorka magaad laha iyadoo uu markalena qabiilka magaadle laba gabdhood oo kale ka guursaday.

Axmed waxa uu dhalay laba wiil oo la kala oranjiray Siciid Axmed iyo Xasan Axmed kuwaas oo iyana sidan u sii tarmay : Xasan Axmed waxa uu dhalay sideed wiil oo kala ah : 1- Cisman Xasan 2- Rooble Xasan 3- Yoonis Xasan 4- Cali Xasan 5- Aadan Xasan 6- Daahir Xasan 7- Xuseen Xasan 8- Yuusuf Xasan

- dhinaca kale Siciid Axmed isna waxa uu dhalay Shan wiil oo kala ahaa: 1- Axmed Siciid 2- Max'ed Siciid  3- Max'ud Siciid 4- Xasan Siciid 5- Yuusuf Siciid

- wiilashan ay labada walaala ah kala dhaleen qaar waa tarmeen qaarna ma tarmin==