Jump to content

Gambool(nuur warsame

Ka Wikipedia

Diiriye Guure. emiirka Diiriye Guure (Soomaaliya 1856 - Iimeey, Itoobiya 1920) Dhalashaddii emiirka Diiriye Guure Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo emiirka Diiriye Guure awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Waxuu u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen. 2.NUUR WARSAME YOONIS (Gambool) Gambool wuxuu ahaa nin been sheegin, oo aan runta ka gaban. Wuxuu nin u dhashay beesha Ciise Maxamuud ee rer Yonis oo degta Nugaal. Qisooyin badan ayaa jira oo uu Diiriye Guure iyo ciidankii daraawiishta ay sameeyeen si ay u ogaadaan inuu Gambool been sheego iyo in kale