Global

Ka Wikipedia

waxaa la aasaasay sanadkii 2003 dii , waxaana aas aasay aqoonyahano iyo wax garad soomaaleed oo u guntaday badbaadinta iyo barbaarinta ubadka soomaaliyeed ee la il daran wax barasho la'aanta , Dugsigu waxa uu soo maray marxalado badan waxaase Alle mahaddiis ah in maanta uu ka midyahay iskuulada ugu waaweyn ee ka hawl gala magaalada caasimadda ah ee muqdisho waxa uuna leeyahay ilaa 3 farac oo ku wada yaala caasimadda. Sidoo kale dugsiga waxaa wax ka barta kumanaan arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho , waxa uuna leeyahay dhammaan heerarka wax barashada formalka ah ee Hoose , Dhexe iyo sare intaba , sidoo kale dugsiga Global waxaa uu bixiyaa waxbarasho gaar ah sida computer skills ( software and hard ware ), luuqadaha iyo xisaabaadka . Dugsiga waxaa ka hawl gala ku dhawaad boqol hawl wadeen oo isugu jira maamul , macalimiin iyo shaqaale kalaba , sidoo kale dugsiga waxaa kuugu diyaar maamul iyo macalimiin kugu soo dhaweyn doono gacmo furan iyo farxad --83.209.169.232 22:36, 28 Luuliyo 2014 (UTC)-