Haroorays

Ka Wikipedia

Haroorays waa degmo u dhaxeysa Wajaale iyo Jigjiga, waxaana degaan ahaan iska leh oo dagan qabiilka Yabarreeda ee jidwaaq.

Degmada haroorays waxay caan ku tahay caanaha lo'da & waxsoosaarka dalagyada beeraha kala duwan ee gobolka Jigjiga (Faafan) waxana sidoo kale ay tahay meel aad muhiim ugu ah xaga ganacsiga, Jidka muhiimka ee Isku xidha Somaliland & Itoobiya islamarkaana waxay ka mid tahay ilaha Korodhka Dhaqaalaha Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI).

Sido kale Haroorays waxay ka mid tahay saddexda iyo sagaashanka (93) degmo ee uu ka kooban yahay dawlada degaanka soomaalida itoobiya (DDSI) waxaana hoos yimaada 17 center iyo 123 tuulo ama qaballee.