Huma Hameed
| Huma Hameed | |
|---|---|
| Ku dhashay | Huma Hameed Akhtar 10 December 1959 Lahore, Pakistan |
| Naanees | Audrey Hepburn ee Pakistan |
| Waxbarashada | Kulliyadda Gabdhaha ee Lahore |
| Shaqada | Jilaa |
| Sanadaha Shaqada | 1976–hada |
| Ilmaha | 3 |
| Waalidka | Hameed Akhtar (aabe) |
| Qaraabada | Saba Hameed (walaashiis) Waseem Abbas (seedigii) Agha Sikandar (cousin) Faris Shafi (abti) Meesha Shafi (abti) |
Huma Hameed waa jilaa Pakistani ah. Waxaa sidoo kale loo yaqaanay Audrey Hepburn oo u dhalatay Pakistan taas oo ay ugu wacnayd doorarkeeda adag ee adag ee madax-banaan ee riwaayadaha Waxay caan ku tahay doorkeeda riwaayadaha Takkay Ki Ayegi Baraat , Tum Mere Hi Rehna , Zid , Annie Ki Ayegi Baraat iyo Jaisay Aapki Marzi .
Nolosha hore
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Hameed waxa ay ku dhalatay Lahore ee dalka Pakistan waxa ay waxbarashadeedii hore ka qaadatay Kulliyada Hablaha ee Lahore Huma aabaheed Hameed Akhtar wuxuu ahaa qoraa , hooyadeed Sacdiya waxay ahayd soo saare filim
Xirfad
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxay ka shaqo bilowday Xarunta PTV Lahore. Waxay la soo shaqeysay riwaayad Koel oo ay la waday Rahat Kazmi kadibna waxay ka shaqeysay Aur Drames oo uu qoray Ashfaq Ahmed Sanadkii 1983-dii waxay la shaqeysay Riwaayadihii Roshni ee ay la waday Asif Raza Mir iyo Farooq Zameer oo ay qortay Haseena Moin ka dibna waxay la shaqeysay Riwaayadda Shikayatain Hakayatain ee ay la waday Qavi Khan iyo Zaib Rehman Kadib markii ay guursatay waxay u guurtay Toronto ee Kanada laakiin waxay sii waday inay ka shaqeyso riwaayadaha Sanadkii 2011, waxay ka shaqeysay riwaayad Takkay Ki Ayegi Baraat ka dibna Annie Ki Ayegi Baraat riwaayadaha waxaa waday Marina Khan . Sanadkii 2014, waxay ka soo shaqeysay riwaayadaha Tum Mere Hi Rehna ee Hum TV oo ay la waday Saba Hameed , Waseem Abbas , Kiran Haq iyo Mikaal Zulfiqar . Kadib sanadka 2019 waxay ka shaqeysay riwaayadaha Zid ee ay wadaan Faris Shafi , Shaista Jabeen , Muneeb Butt , Shehryar Zaidi iyo Saba Faisal ee Express Entertainment kaaso uu hogaamiye ka ahaa Owais Khan halka ay qortay Samira Faza. Waxa ay soo bandhigtay doorka Sabeera oo ah haweenay ganacsato ah oo laga dhintay, isla markaana xanaanaysa caruurteeda da’yarta ah, balse ay ku adag tahay in ay dareenkeeda u muujiso taas oo keenta khilaaf iyo kala fogaansho dhexdooda ah Sannadkii 2023, waxa ay ka soo muuqatay riwaayad Jaisay Aapki Marzi ee ARY Digital oo ay weheliso Durefishan Saleem , Mikaal Zulfiqar , Kiran Malik , Jawed Sheikh , Hira Umer iyo Ali Tahir oo ay waday walaasheed Saba Hameed oo ay qortay Naila Zehra Jafri. Waxay samaysay doorka Shagufta hooyo naxariis iyo kalgacal leh oo Aleesay.
Nolosha gaarka ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Huma waa xaas waxayna ninkeeda kula nooshahay Kanada Huma waxay leedahay saddex caruur ah, aabaheed Hameed Akhtar wuxuu ahaa qoraa sidoo kale walaasheed Saba Hameed iyo Lalarukh Hameed waa atariisho.
Filmography
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Telefishanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]| Sanadka | Ciwaanka | Doorka | Shabakada |
|---|---|---|---|
| 1978 | Koel | Sofia | PTV |
| 1979 | Dard Aur Darmaan | Huma | PTV |
| 1979 | Alif Laila | Shehzadi Sahiba | PTV |
| 1980 | Aur Drame | Zubaida | PTV |
| 1981 | Chabi Aur Chabiyan | Pushkla | PTV |
| 1982 | Drama 82 | Maria | PTV |
| 1982 | Aisi Bulandi Aisi Pasti | Tayyaba | PTV |
| 1983 | Maikay Ka Bakra | Naveen | PTV |
| 1983 | Roshni | Nida | PTV[1] |
| 1983 | Shikayatain Hakayatain | Sajida | PTV |
| 1984 | Sanwal Mor Moharan | Naila Ejaz | PTV |
| 1984 | Mirza and Sons | Shireen | PTV[2] |
| 1985 | Maya Aur Monsoon | Sara | PTV[3] |
| 1986 | Show Time | Herself | PTV[4] |
| 1987 | Drama 87 | Hina | PTV |
| 1988 | Kahani No: 6 | Najma | PTV |
| 1989 | Drama 89 | Seemi | PTV |
| 1990 | Kahani No: 10 | Maryam | PTV |
| 2011 | Takkay Ki Ayegi Baraat | Arfa | Geo TV |
| 2012 | Annie Ki Ayegi Baraat | Arfa | Geo Entertainment |
| 2014 | Tum Mere Hi Rehna | Raheela | Hum TV |
| 2017 | The Celebrity Lounge Season 2 | Herself | PTV |
| 2019 | Zid | Sabeera | Express Entertainment |
| 2023 | Jaisay Aapki Marzi | Shagufta | ARY Digital[5] |
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]"حميد اختر نے ہميشہ قلم و قرطاس كي حرمت كيليم كيا: صبا حميد"
Pervaiz iyo Huma Hameed Wareysi lala yeeshay Anwar Maqsood
"Walaalaha ifafaalaha leh ee ka dambeeya 'Jaisay Aapki Marzi'
- ↑ "روشنی حسین معین نے لکھی ہے". Pakistan Television Corporation. 6 August 2015.
- ↑ "مرزا اور بیٹے". Pakistan Television Corporation. 14 April 2008.
- ↑ "مایا اور مانسون". Pakistan Television Corporation. 19 May 2005.
- ↑ "Saba Pervaiz and Huma Hameed Interview with Anwar Maqsood", Pakistan Television Corporation, archived from the original on 13 April 2023, retrieved 6 September 2022
{{citation}}: CS1 maint: bot: original URL status unknown (link) - ↑ "The Phenomenal Sisters Behind 'Jaisay Aapki Marzi'". Social Diary Magazine. 24 September 2023.
Xiriirinta dibadda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Huma Hameed ku jirta Instagram