Jump to content

Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow

Ka Wikipedia
Sareeye Guud Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow
Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow

Addow in 2024


Ka qabtay xil
19 June 2023  9 November 2024
Xilka kaga horeeyey Odowaa Yuusuf Raage
Xilka kaga dambeeyey Odowaa Yuusuf Raage

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay 1960 (Da'diisu waa 6566)
Muqdisho, Soomaaliya

Shaqo ciidan

Ka tirsan Somalia
Garaadada Sareeye Guud
Qaybta  Somali National Army
Sanadaha shaqada 1984–Hada

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow , (wuxuu dhashay 1960-kii magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ) waa Jeneraal ka tirsan Milatariga Soomaaliya, ahaana Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Nolosha gaarka ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1960-kii, Waxbarashadiisa Hoose iyo Sare waxa uu ku qaatay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho sanadkii 1977-kii. 1981kii, waxa uu shahaadadii dugsiga sare ka qaatay dugsigii sare ee Wajeer ee magaalada Muqdisho . Isla sanadkaas 1981-kii waxa uu ku biiray tababarkii saraakiisha ee Akadeemiyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana uu qaatay komishanka Sareeye Guuto 1982 - kii . 1984-kii, waxa uu ka qalin jabiyay Akademiyada oo uu helay darajada Sarreeye Guud (First Lieutenant). Sannadkii 1986-kii, waxa uu tabobar hoggaamineed ku qaatay shaqaalaha da’da yar ee Akademiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana loo dalacsiiyay darajada Kabtan. 1990-kii, waxa uu qaatay tababar heersare ah, waxaana loo dalacsiiyay darajada Major. Isla sanadkaas 1990-kii ayuu ka qalin jabiyay machadka afka ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed

Intii lagu jiray burburkii iyo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya 1987-c2000, wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan , isagoo ugu dambeyn gaaray darajada Gaashaanle . Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii kooxda Wagad. Sannadkii 2001-dii, waxa uu la-taliye dhinaca amniga ah kala soo shaqeeyay dawladdii ku meel gaadhka ahayd, waxaana loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare . Sannadkii 2008-dii ayaa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare , wuxuuna noqday guddoomiyaha guddiga amniga ee golaha deegaanka gobolka Banaadir. 2012-2014 waxa uu ahaa madaxa hab-maamuuska ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud . Sannadkii 2014-kii waxa loo dalacsiiyay darajada Sareeye Guuto , waxaanu noqday Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Guutada 60. 2023-kii, waxaa loo dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas , waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed . 9kii Noofambar 2024 waxaa lagu bedelay Odowaa Yuusuf Raage oo isaga ka horreeyay .

Darajo leh Calaamad Ingiriisi iyo Soomaali Sannadka Dallacaadda Xusuusin
Second Lieutenant (Xaddigle) 1982
First Lieutenant (laba-Xiddigle) 1984
Captain (Dhamme) 1986
Major (Gashaanle) 1990
Lieutenant Colonel (Gashaanle sare) 2001
Colonel (Gashaanle Dhexe) 2008
Brigadier General (Sareeye Guuto) 2014
Major General (Sareeye Gaas) 2019

"Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kormeeray xerada ee Turki-Som"

"Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed"

"Ciidamada Soomaaliya ayaa la wareegay ammaanka xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay kala wareegeen ciidamada Midowga Afrika"

"Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa magacaabay taliye cusub oo ciidan. - Somali Magazine"

"Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo Danab ah - Universal Somali TV"

"Waa Kuma Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Dalka Ee Maanta Xilka Lagu Wareejiyay?"

"Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka - Radio Risaala: Somali News Online"

"Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Taageeray Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka Inuu Dib U Soo Laabto"