Infopankki.fi

Ka Wikipedia


Warar adeegga ku saabsan

Infopankki waa boga shabakeed luqado badan oo meel isugu keena macluumaadyo muhiim ah oo loogu talagalay dadka qorsheysanaya u soo guurista Finland ama dadka dalka u soo guuray ee deggan halkan. Boggu wuxuu sidoo kale wargelino luqado badan ah ugu adeegaa saraakiisha.

Isticmaalaha Infopankki wuxuu helayaa macluumaadyo lagu kalsoonaan karo oo luqadiisa ku qoran kuna saabsan u soo guurista Finland, shaqada, waxbarashada, degista, tacliinta, caafimaadka, qoyska, xaaladaha dhibka leh iyo waqtiyada firaaqada.

Bogga waxaa laga helaa isku xiryada bogagga ururada iyo saraakiisha.

Iyadoo la kaalmeysanayo doorashada macluumaadka deegaanka isticmaaluhu wuxuu helayaa isku xirka saxda ah ee macluumaadka degmooyinka xiisagelinaya. Marka uu isticmaaluhu ku jira bogagga degmada, waxaa la tusayaa isaga isku xirka macluumaadka aasaasiga ah ee mowduuca.

Luqadaha adeeggu waa Finnish, Swidish, Ingiriisi, Ruush, Estooni, Faransiis, Serbokoraati, Soomaali, Isbanish, Turki, Albaani, Shiinees, Kurdi (Sorani), Beershi iyo Carabi. Turjunka luqadu waa iskumid marka laga reebo Serbokoraati, Albaani iyo Kurdi.

Degmooyinka Infopankki xubnaha ka ah waa Helsinki, Espoo, Vantaa, Kauniainen, Turku, Tampere, Mikkeli, Oulu iyo Rovaniemi.

Soo saarista dhinaca farsamada ee Infopankki waxaa suurtageliyay Innofactor. Xafiiska turjumista Lingoneer wuxuu u xilsaaran yahay turjumaadda adeegga. Hahmo Design wuxuu soo suurtageliyay muuqaalka bogga.

Wararka

Bogga Infopankki waxaa lagu baahiyaa wararka xiisaha leh ee dalka oo dhan. Wararka soonaha Helsinki iyo ogeysiisyada Infopankki waxaa la isugu keenaa qeyb iyaga u gaar ah. Dhamaan wararku waxay ka soo muuqanayaan bogagga hore ee qeybaha luqadaha.

Sivuston ylläpito

Bogga Infopankki waxaa gacanta ku haya magaalada Helsinki. Soo saarista Infopankki wuxuu mas’uul ka yahay waqtiga la-simista qeybaha U soo guurista Finland, Nolosha Finland, Wararka Finland iyo wararka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen. Soo saarayaasha degmooyinka ayaa ka mas’uul ah gacan ku heynta bogagga degmooyinkooda.

Raadinta koorasyada luqada finnishka iyo iswidishku waa qeyb kamid ah adeegga Infopankki. Raadinta kooraska waxaa laga helaa cinwaanka www.finnishcourse.fi.

Horumarinta bogga Infopankki waxaa suurtageliyay heshiiskii shanta sano ee wadashaqeynta ee u dhexeeyay Dawladda iyo degmooyinka (2009- 2013). Maalgeliyayaasha iskaashiga dowladdu waa wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda shaqada iyo dhaqaalaha, wasaaradda dhaqanka iyo waxbarashada, Kela iyo wasaaradda maaliyadda. Qeybta degmooyinka waxaa wakiil ka ah degmooyinka xubnaha ka ah.

Taariikhda

Adeegga shabakadda Infopankki.fi wuxuu ka dhashay wadashaqeyntii Mashruuci Waxbarashada furan (2001- 2003) ee Xarunta Dhaqanka Caalamiga ah ee Caisa iyo maktabadda magaalada Helsinki ay la sameeyeeyn Xarunta dhaqanka ee Helsinki.

Sanadkii 2012 Infopankki wuxuu ka wareegay Xarunta dhaqanka wuxuuna qeyb ka noqday isgaarsiinta xarunta maamulka magaalada Helsinki. Sidoo kale waxqabadka Infopankki wuxuu mashruuci ku meelgaarnimada ahaa isaga bedelay qeybta soonaha Helsinki adeeg joogto ah.

[1] Archived Luuliyo ama Luulyo 22, 2011 // Wayback Machine