Samaale

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Irir Samaale)
Samaale
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Itoobiya
 Kenya
Luqada

Af-Soomaali iyo Af-Carabi

Diinta

Sunni Islam, Suufi

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir, Irir iyo hawiye

Samaale (Af Ingiriis : Samale; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo qoro: Samaal, Samaali, waa beelo dhowr ah oo ka tirsan dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya, Kiinya iyo Itoobiya.[1] Samaale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay meesha uu ka yimid magaca Soomaali.

Hordhac

Samaale, waa aabaha faraca koox beelo waaweyn oo ka tirsan Soomaalida. Beelahaasi waxaa ka mid ah Dirta, Hawiyeha, Gardheere, Meyle, Maqarre, Ajuuraanka, Yahabur, Hubeer, Gariife, Hammarre, Harire, iyo Karuur; kuwaasi oo dhamaantood laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[2] Intaas waxaa dheer, beelaha Samaale waxay si rasmi ah u degaan Soomaaliya, Itoobiya . Sidoo kale waxaa tiro fiican degan tahay gobolka NFD ee wadanka Kiinya.

Beelaha

Sida lagu sheegay buugaag taariikhi ah, Bahweynta Samaale waa labo meelood dadka Soomaalida, waxayna salka ku hayaan sagaal oday oo kala ah:

  • Garre:tuuf iyo quraan
  • Irir: Dir iyo Hawiye.[3]
  • Gardhere : Gaaljecel, Degodi [4]
  • Maqarre: Dabarre and Cirrole[5]
  • Yahabur: Hubeer
  • Xammarre(Xarmalle):Ajuuraan
  • Hariire
  • Karuur

Dir

Dir, magaca saxda ah: Abukar waa beelweyn ka tirsan qabiilada Soomaalida taasi oo juquraafi ahaan degta afar wadan oo ku yaala Geeska Afrika. Beesha Dir waxaa laga helaa dhamaan deegaanada Shanta Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah: Djibouti(ahaan jirtey: French Somaliland(1)), Soomaaliya(ahaan jirtey: British Somaliland(2) iyo Italian Somaliland(3)), wadanka Kenya, Gobolka Waqooyi Bari(4) iyo dalka Itoobiya, deegaanka Soomaali Galbeed, iyo sidoo kale Deegaanada Oromia iyo deegaanka Canfarta(5).[6][7][8][9]

Hawiye

Hawiye (Af Carabi : ar‎) waa beel ka mida qabiilada Soomaalida, kuwaasi oo ku dhaqan deegaano ka tirsan wadanka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiinya. Sida lagu xusay taariikhda, beesha Hawiye waxay walaalo yihiin Beesha Dir iyagoo ku wada abtirsada odayga Irir Samaale. Hawiye ayaa kow[10][11] ama laba[12][13] kaga jira badnaanta tirada qabiilooyinka soomaalida, waxay degaan caasimada Muqdisho[14].

Gardheere

Gardheere Samaale (waa curadka Samaale). Waxaa ka farcamay oo uu dhalay Garjante Gardheere, Riyale Garjante, Mataan Riyaale, oo isna dhalay Saransoor Mataan. Ilma Saransoor waa afar oo kala ah: Gaaljecel Saransoor, Dagoodiye Saransoor, Ciise Saransoor iyo Masarre Saransoor.[15]

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. . Adonis & Abbey. p. 10 https://books.google.co.uk/books?id=CXUwAQAAIAAJ.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Chapin Metz, ed., Helen. The Federal Research Division of the Library of Congress http://countrystudies.us/somalia/66.htm. Soo qaatay 18 June 2016.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Red Sea Press. p. 131. ISBN 9780932415998 https://books.google.com/books?id=XpdAzRYruCwC.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Red Sea Press. p. 122. ISBN 9780932415998 https://books.google.com/books?id=XpdAzRYruCwC.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Red Sea Press. p. 130. ISBN 9780932415998 https://books.google.com/books?id=XpdAzRYruCwC.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/4150/1/Clanship,%20conflict%20and%20refugees_An%20introduction%20to%20Somalis%20in%20the%20Horn%20of%20Africa.pdf Archived Oktoobar 13, 2016 // Wayback Machine CLANSHIP, CONFLICT AND REFUGEES: AN INTRODUCTION TO SOMALIS IN THE HORN OF AFRICA Guido Ambroso Page 6
  7. Garre live in Southern Somalia, North Eastern Kenya and Southern Ethiopia. In Southern Somalia, they live in Kofur near Mogadishu and El Wak District in Gedo Province. In Ethiopia, they live in Moyale, Hudet and Woreda of Liban zone. In Kenya, the Garre inhabit Wajir North and Moyale. UNDP paper http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf Archived Mey 17, 2018 // Wayback Machine
  8. Hayward, R. J.; Lewis, I. M. (2005-08-17). Routledge. p. 242. ISBN 9781135751753 https://books.google.com/books?id=_8D0gYZZVKEC.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. The Quranyo section of the Garre claim descent from Dirr, who are born of the Irrir Samal. UNDP Paper in Keyna http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf Archived Mey 17, 2018 // Wayback Machine
  10. http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg
  11. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-08-18. Soo qaatay 2016-10-29.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  12. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2005-11-12. Soo qaatay 2016-10-29.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  13. http://www.asylumlaw.org/docs/somalia/ind01b_somalia_ca.pdf
  14. http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/6483427.stm
  15. https://xmilsom.files.wordpress.com/2015/03/soomaalya-saxsaxxx115-cover.pdf Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: