Isdirgalmood

Ka Wikipedia

Isdirgalmoodka waa galmada dhexmara labo qof oo isku sinji ama isku dir ka soo jeeda, sida uu eraygu muujinayo, kana kooban yahay erayo la iskudhafay, oo kala ah [Is + Dir(ka)+ Galmood]. Haddaba, marka galmadaasu ay ka wada dhaxeeso labo lab ah, waxaa kiiba lagu magacaabaa Isdirgalme ama labaduba Isdirgalmayaal. Sidoo kale, Isdirgalmato iyo Isdirgalmatooyin ay ku beegan yihiin, haddii ay yihiin dumar. Isdirgalmaha wuxuu qaadan karaa kaalinta ku beegan tan raggu ka qabto galmada ka dhaxeesa Kaladirgalmayaasha (rag iyo dumar), ama tan dhedigga; oona kaa koowaad loogu magac daro Utage (u + tage), kan labaadna Lootage (loo + tage). Sidoo kale waxay kala yihiin, Utagto iyo Lootagto, dhanka isdirgalmoodka dumarka.