Ismaaciil Jimcaale Cosoble
Dr. Ismail Jim'ale Osoble (Soomaali: Ismaaciil Jimcaale Cosoble , Carabi: اسماعيل جمعال عسبلي ) waxa uu ahaa Qareen Soomaaliyeed , ahaana Wasiirkii Warfaafinta ee Xukuumaddii Aadan Cabdulle Cismaan Daar wax yar ka hor afgambigii Milatari ee 1969-kii. Waxa kale oo uu ka mid ahaa saxiixayaashii qoraalka Soomaalida. Dhimashadiisa ka dib, koox Soomaali ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ay hogaamiso xaaskii uu ka geeriyooday Maryan Awreeye (Xaaska labaad) ayaa aasaasay Ururka Xuquuqul Insaanka Dr. Ismaaciil Jumcaale oo wali ka shaqeeya Soomaaliya.
Taariikh nololeedka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cosoble waxa uu dhashay 18-kii July 1931-kii magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Wuxuu ahaa qofkii labaad ee saddex caruur ah oo ay dhaleen qoys ka tirsan beesha Abgaal Hawiye. Waxa uu ku bartay sharciga dalka Talyaaniga halkaas oo uu kula kulmay kuna guursaday (Rome, 1965) xaaskiisa kowaad Iole Berardi oo uu ka dhashay laba carruur ah. Ka dib markii uu xabsiga ku jiray afgambigii militariga ee 1969-kii, xaaskiisa iyo caruurtiisii ugu horeysay ayaa lagu qasbay inay ku laabtaan Talyaaniga halkaas oo ay ku hareen. Wuxuu ku dhintay Rome 22 Luulyo 1990.