Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku dhashay gobolka Maroodijeex caasimadiisa magaalada Hargaysa, Waqooyi Galbeed ee Wadanka Somalia Sanadkii 1965. Jamaal Cali Xuseen waa Aqoonyahan ku takhasuusay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana uu wax kusoo bartay jaamacada Harvard University ee dalka Maraykanka kadib qalinjabitii jamacada. Jamaal Cali Xuseen Waxa uu kasoo shaqeeyay bangiyo caalamiya oo waawayn kuwaas oo ka midyihiin bangiga wayn ee Citi Bank kaas oo uu ka gaadhay inuu noqdo Maareeye guud ama Chief Executive Officer. Imikana waa siyaasi si mug wayn uga dhex leh Siyaasada Somaliland.
Intii Hore ee Noloshiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku dhashay kunasoo Barbaaray Magaalada Hargeysa , isagoo isla magaalada Hargeysa ka bilaabay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ilaa waxbarashadiisa heer Dugsi Sare, isagoona ka baxay dugsiga sare ee Faarax Oomaar Magaalda Hargeysah,
Sidoo kale, Jamaal Cali Xuseen yaraantiisi wuxuu jeclaa ciyaaraha ama Sorts-ka, gaar ahaan Kubada kolayga, cagta iyo walaiba kubada Teniska Miiska (Table Tennis) kaas oo uu ka gaadhay ilaa heerka ciyaarihii Gobolada ee Jmahuriyadii Sommaliya, isagoona usaftay Gobalka Waqooyi Galbeed.
Waxbarashadiisii Sare ee Heer Jaamacadeed
[wax ka badal | wax ka badal xogta]kadib markuu Jamaal cali Xuseen Ka qalin Jabiyay Dugsiga sare, waxa uu ka bilaabay waxbarashadiisii sare Maxadkii ama college-kii barashada xisaabadka iyo Dhaqaalaha ee Sidam oo ku yaalay magaalada Muqdisho, Halkaas oo uu ka qaatay shahaadadii darajada koowaad ee cilmiga xisaabaadka (Degree in BA Accounting), isagoo ahaa ardaygii ugu sareeyay jamacada, isla sanadkaana waxa loo qaatay inuu Bare ama Macalin ka noqdo isla jamacadaas.
Waxbarashadiisii Harvard University
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dabayaaqadii sanadihii sideetamaadkii, Jamal Cali Xuseen wuxuu ugu guuray wadanka Maraykanka, isagoo halkaa markuu mudo joogayna ku guulaystay deeq waxbarasho (scholarship) jaamacada Harrvard University. halkaas oo uu ka diyaariyay shahadada caalamiga ee loo yaqaano CPA (CERTIFIED PUBLIC ACCOUNTANT), oo macnaheduna tahay xissaab yahankii la aqoonsaday, taas oo aanu haysan qof Somali ah ama Africaba ku ah naadir iyo dhif.