Jamaame
Jamaame Giamama (Villaggio Regina Margherita) | |
|---|---|
Magaalo | |
Wabiga Jubba ee ka yimaada Jamaame. | |
| Coordinates: 00°04′N 042°45′E / 0.067°N 42.750°E | |
| Wadanka | |
| Gobolka | Jubbada Hoose |
| Degmo | Jamaame |
| Dowlada | |
| • Xakamaynta | |
| Tirada dadka (2005) | |
| • Dhammaan | 129,149 |
| Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Jamaame (Af Ingiriis : Jamaame, Af Carabi: جمامة), mararka qaar loo yaqaano Gamaame, waa magaalo beeroley ah oo ku taala koonfurta gobolka Jubbada Hoose ee wadanka Soomaaliya.
Hordhac
Jamaame waa degmo ku taala Gobolka Jubbada Hoose, waxay Kismaayo u jirtaa qiyaas dhan 60 km. Jamaame magacii hore waxaa ladhihi jiray (maargariite)
Jamaame waxaa dega qabiilka Biimaal, jufooyinkiisa kala ah daadow, ismiin sacad gaadsan ,iyo in yar oo beesha jareer iyo digil iyo marifle ah waxaa soo raaca dadyow asalkooda ka soo jeeda waddanka Yemen, gaar ahaan Xadarmoot. Magaalada waa magaalo aad u hurumarsan. Waxaa ku yaalay isbitaal weyn iyo dugsi oo raacsanaa qolo maraykan ah. Sidoo kale waxaa ku yaalay dugsi raacsanaa masaarida. Jamaame waxay leedahay laba suuq oo laka yiraahdo suuq mugdi oo ku yaala xaga dambe ee magaalada iyo suuq iftiin ama suuq weyn ee ku yaala magaalada xaga hore ee laga soo galo.( suuqi iftin waxaa degana jiray carabta yamani u badan) Sidoo kale magaalada waxay leedahay seddax xaafadood oo lakala yiraahdo Howlwadaag, Kacaanka iyo Nasiibwanaag (Nasiibtumaal). Magaalada waxaa mara webi yar oo la yiraahdo Webi-Urow lagana soo jeexay webiga weyn ee Jubba.
Tirakoobka dadweynaha
Sannadkii 2005tii, Jamaame waxa ku noolaa ku dhawaad 129,149 qof sida ay sheegtay UNDP
Sidoo Kale Fiiri
Tixraac
"Soomaaliya: Warqad ka timid Jamaame"
"Sayfa Bulunamadı - Turkiga iyo Wararka Caalamka"
“1 Askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay 4 kalena waa lagaga dhaawacay Soomaaliya
"Gobollada, degmooyinka, iyo dadkooda: Soomaaliya 2005 (qabyo)"
Badhaadhe is the most peaceful and evergreen district.