John F. Slade III
John F. Slade III | |
|---|---|
| Garsoore ku-xigeenka, Maxkamadda Degmada 4aad | |
| xafiiska la wareegay Oktoobar 22, 1999 | |
| Ku xigay | Hadda xafiiska jooga |
| Member of the Maryland House of Delegates from the 29B district | |
| Xafiiska 1995–2002 | |
| ka horeeyay | J. Ernest Bell II |
| Ku xigay | John L. Bohanan, Jr. |
| Member of the Maryland House of Delegates from the 29C district | |
| Xafiiska 1983–1994 | |
| ka horeeyay | degmo la abuuray |
| Ku xigay | Tony O'Donnell |
| Faahfaahin shaqsiyadeed | |
| Dhashay | August 5, 1943 Leonardtown, Maryland |
| Xisbiga | Dimuqraadi |
| Xaaska | Dorothy Rose Martin |
| Ciyaalka | 3 |
| Alma mater | St. Mary's College of Maryland University of Maryland University of Baltimore School of Law |
John F. Slade III (dhashay Ogosto 5, 1943) waa Garsoore ku-xigeen ka tirsan Maxkamadda Degmada 4aad ee Maryland. Slade wuxuu ka tirsanaa Maryland House of Delegates intii u dhaxeysay 1983 ilaa 2003. Wuxuu matalayay Degmada 29C, oo ka tirsan qayb ka mid ah St. Mary's County, intii u dhaxeysay 1983 ilaa 1994, wuxuuna matalayay Degmada 29B, oo matalaysay qaybo ka mid ah Calvert County iyo St. Mary's County, intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2002.
Noloshii hore
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Slade wuxuu aaday dugsiga sare ee Great Mills High School oo ku yaal Great Mills, Maryland. Wuxuu aaday St. Mary's College of Maryland, halkaas oo uu ku qaatay shahaadada labaad (associate degree) sanadkii 1964. Ka dib wuxuu dhigtay Jaamacadda Maryland, isagoo qaatay shahaadada koowaad ee dhaqaalaha sanadkii 1967. Laba sano ka dib, wuxuu ka qalin-jabiyay University of Baltimore School of Law waxaana loo ogolaaday inuu ka mid noqdo qareenada Maryland sanadkii 1970.
Nolosha gaarka ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Slade wuxuu guursaday Dorothy Rose Martin Slade, waxayna leeyihiin carruur.
Shaqadda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ka dib markii uu qaatay shahaadada sharciga, Slade wuxuu ahaa qareenka difaaca dadweynaha ee St. Mary's County ilaa 1974, markaas oo uu nqoday Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Gobolka, isagoo markale u adeegay St. Mary's County. Sanadkii 1986, wuxuu u dalacay Qareenka Difaaca Dadweynaha ee Degmada, Degmada 4aad ee gobollada Calvert, Charles, iyo St. Mary's. Sanadkii 1982, waxaa loo doortay Maryland House of Delegates ee Degmada 29C. Wuxuu u adeegay Degmada 29C ilaa 1994.[1][2] Ka dib waxaa loo doortay Degmada 29B sanadkii 1994 wuxuuna u adeegay laga bilaabo 1995 ilaa 2002.[3][4] Intii uu ahaa xubinta House of Delegates, wuxuu ahaa guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ah ee Hantidhawrka laga bilaabo 1995 ilaa 1997 iyo guddoomiyaha wafdiga St. Mary's County laga bilaabo 1995 ilaa 1999. Ka dib wuxuu noqday xubin ka tirsan Maxkamadda Degmada. Mudadii uu ku jiray shaqada, Garsoore Slade wuxuu ku guuleystay dhowr abaalmarinood oo ay ka mid yihiin Cross Bottany Award, Abaalmarinta Ardaydii hore ee St. Mary's College of Maryland, Abaalmarinta Ragga Dhallinyarada ah ee ugu Caansan Ameerika iyo Ergeyga Sanadka (Delegate of the Year), taas oo ay bixisay Ururka Maryland ee Adeegyada Cilmi-nafsiga (Maryland Association of Psychosocial Services). Ugu dambeyntii, waa xubin aasaasi u ah qaybta Zeta ee Phi Beta Kappa ee St. Mary's College.
Natiijooyinka doorashada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Tartankii 1986 ee Maryland House of Delegates – Degmada 29C[5]
- Codbixiyayaashu inay doortaan hal qof:
Magaca Codadka Boqolleyda Natiijada John F. Slade III, Dem. 3,696 100% Guuleystay Cid la tartantay ma jirto
*Tartankii 1990 ee Maryland House of Delegates – Degmada 29C[6]
- Codbixiyayaashu inay doortaan hal qof:
Magaca Codadka Boqolleyda Natiijada John F. Slade III, Dem. 4,296 100% Guuleystay Cid la tartantay ma jirto
*Tartankii 1994 ee Maryland House of Delegates – Degmada 29B[7]
- Codbixiyayaashu inay doortaan hal qof:
Magaca Codadka Boqolleyda Natiijada John F. Slade III, Dem. 5,228 63% Guuleystay Donald Lee O'Neal, Rep. 3,083 37% Laga adkaaday
*Tartankii 1998 ee Maryland House of Delegates – Degmada 29B[8]
- Codbixiyayaashu inay doortaan hal qof:
Magaca Codadka Boqolleyda Natiijada John F. Slade III, Dem. 6,327 66% Guuleystay Donald Lee O'Neal, Rep. 3,316 34% Laga adkaaday
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ "House of Delegates, Legislative Districts 29, 29A, 29B, 29C (1975-1990)". Maryland Manual On-Line. Maryland State Archives. Retrieved 2022-04-02.
- ↑ "1990 Gubernatorial General Election Results". Maryland Manual On-Line. Maryland State Archives. Retrieved 2022-04-02.
- ↑ "GENERAL ELECTION RETURNS - NOVEMBER 8, 1994". Archived from the original on 2021-12-10. Retrieved 2022-04-02.
- ↑ "1998 Gubernatorial Election". Archived from the original on 2021-07-27. Retrieved 2022-03-27.
- ↑ "House of Delegates Results". Maryland State Board of Elections. Retrieved on Nov. 02, 2007
- ↑ "House of Delegates Results". Maryland State Board of Elections. Retrieved on Nov. 2, 2007
- ↑ "House of Delegates Results". Maryland State Board of Elections. Retrieved on Nov. 2, 2007
- ↑ "House of Delegates Results". Maryland State Board of Elections. Retrieved on Nov. 2, 2007
Xiriirinta dibadda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]