Kaaribiyaan

Ka Wikipedia
Kani waa maqaal ku saabsan wadanada la isku yidhaahdo Kaariibiyaanka. Qoraal ku saabsan dadkii asal ahaan loogu tegay Kaaribiyaanka fiiri Dadka Kaaribiyaanka. Maqaal ku saabsan biyaha badaha ku hareersan fiiri Bada Kaaribiyaanka.
Kaaribiyaan
Dhul2,754,000 km2 (1,063,000 sq mi)
Baaxada dhulka239,681 km2 (92,541 sq mi)
Dadka (2009)39,169,962[1]
Dadka ku dhaqan151.5/sq km (392/ sq ml)
Dadka loogu yimid deegaankaAsalkooda Afrikaan, Asalkooda Cadaan, Asal Hindi, Asal Shiine,[2] Arawak (Kalinago, Taíno)
Dadka deegaankaKaaribiyaan, Cali beestayn, Hindida Cas
LuuqadahaIsbaanish, Ingiriis, Faransiis, Dhatj, Kareole, Ingiriis Kareole, Hindi Kaaribiyaan, Luuqado kale
Dowlad13 maamulo boqortooyo
17 maamulo dowlado
Caasimadaha ugu WaaweynLiiska Caasimadaha ugu waaweyn Kaaribiyaanka
Santo Domingo
Havana
Port-au-Prince
Santiago de los Caballeros
Kingston
Santiago de Cuba
San Juan, Puerto Rico
Internet Kuwa ugu sareeyaLiiska kuwa ugu sareeya internetka
Lambarada wicitaankaKuwo badan
WakhtigaUTC-5 iyo UTC-4

Kaaribiyaan (ingiriis: Caribbean, /ɨˈbən/ ama /rɪbiən/; Isbaanish: Karibe; Dhatj: Caraïben ama Caraïben; af Hindi: कैरिबियन "Kairibiyana"; Af Faransiis : Caraïbe; Carabi: الكاريبي) waa gobol ka kooban bada Kaaribiyaanka, gasiiradaha ku wareegsan (oo qaarkood soo gaadhaan ilaa waqooyiga Badweynta Atlaantik), iyo xeebaha bilicsan ee ku caanka ah gobolkaasi. Gobolkani wuxuu dhacaa koonfurbari gacanka Mebsiko, koonfurta Maraykanka, bariga Bartamaha Ameerika iyo waqooyiga Koonfur Ameerika.

maabka gasiiradaha Kaaribiyaanka.

Dhinaca kale, deegaanada Kaaribiyaanku waxay ka kooban yihiin in ka badan 700 gasiiradood, kuwaas oo qaarkood aad u waaweyn yihiin ayagoo ah hal wadan halka kuwo kale yaryar yihiin. Marka la tixraacayo siyaasada juquraafiga caalamka ayaa gasiiradaha Kaariibiyaanka lagu tiriyaa gobol ka mid ah Waqooyiga Ameerika; waxaana loo nidaamiyaa boqortooyooyin yaryar, deegaano ku tiirsan dowlado ka fog iyo maamulo hoose.

xeebaha bilicda san ee Kaaribiyaanku ku caan baxay.

Bilicda gasiiradaha, cimilada diiran sanadkoo dhan, biyaha xeebaha oo aad u qurux badan darteed ayaa gobolka Kaaribiyaanku aad ugu caan baxay dalxiiska iyo booqashada tamashlaha ah.

Gasiiradaha Kaaribiyaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gasiiradaha ku yaala deegaanka Kaaribiyaanka
Xadka badaha wadanada gasiiradaha Kaaribiyaanka

Dhirta Iyo Xayawaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Country Comparison :: Population Archived Sebteembar 27, 2011 // Wayback Machine. CIA. The World Factbook
  2. McWhorter, John H. Oxford University Press US. p. 379. ISBN 0-19-516670-1 http://books.google.com/books?id=zdxJJVY54nYC&pg=PT387.  Maqan ama ebar |title= (caawin)