Kaxda

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

kaxda waa degmo ku taala gobalka banaadir.

Dagmada Kaxda waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee Gobolka Banaadir waxaana dhanka koofureed ka xiga Degmada Dharkeenlay,

Sidoo kale waxaa dhanka galbeed waxaa ka xigta Degmada Lafoole ee Gobolka SH/Hoose, Waqooyi waxaa ka xiga degmada deyniile.

Dagmada waxa ay ka soo bilaa baataa Ex-Controle Afgooye waxayna ku egtahay Siinka dheer ee Gobolka Sh/Hoose.

Dagmada kaxda qiyaas ahaan waxay ku fadhisaa DHUL GAARAYA 15KM OO WAREEG AH. Waxaa ku nool Ku dhawaad 120000 oo qof .

# WAAX-YAHA AY DAGMADA KAXDA KA KOOBANTAHAY:

Waxay ka kooban tahay 5 waax-yood oo kala ah

1. Janeraal liiq-liiqato

2. Cali Janaale

3. Barwaaqo

4. Km13 ( N.B: Wali magac toos ah looma bixinin)

5. Shimbiraale

Dagmada kaxda waxaa maro ilaa 4-wado oo ay midiiba tahay (1000 mitir).

MIDA 1-AAD: waa waddada koobaade waxay ka Timaadaa Xaafada Xoosh waxayna gaartaa laanta Cali janaale,

MIDA 2-AAD: waa mida labaade waxay sidoo kale ka timaataa EX-Controle-ka Afooye waxayna soo gasha waaxdaa Barwaaqo,

MIDA 3-AAD: waa mida seddexaade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Barwaaqo oo waxay tagtaa ama ay gaartaa xaafada kaaba godey ee dagmada Wadajir.

MIDA 4-AAD: waa mida afaraade iyadana waxay ka timaadaa waaxda Cali Janaale waxayna tag-ta xaafada Jaziira ee Dagmada wada jir.

# XAALADAHA AY SOO MARTAY DAGMADA KAXDA

Dagmada kaxda waa DAGMADII 17 –AAD ee G/banaadir waana dagmo aad u facwayn, laakin soo martay marxalado kala duwan,

Waxaana si toos ah degmo loogu aqoonsaday ama looga dhigay taariikhdu markay ahayd 15/10/2012 maalin isniin ah waxayna ku aasaasantay dhibaatooyinka faraha badan kuwaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana dib u dajin iyo dib u dhis balaaran lagu sameeyay sanadii 2007-dii waqtigaas oo ahaa waqti aad u xun,

ayaa dadka deegaankaasi ku nool waxaa lasoo daristay dhibaatooyin farabadan oo ay kamid ahaayeen COLAADO, ABAARO, iyo BARA KAC iyo dhibaato dhanka bulshada, iyo siyaasadaba.

taas oo ay usoo mareen himiladooda oo ahayd inay mar qura arkaan deegaankooda oo noqdo Dagmo buuxdo oo ka tirsan G/banaadir.

Hadaba howshaasi dhibka badan waxaa u istaagay ama u tafa xaytay go’aana ku gaaray inay siwalba iyo wakhti walba ugu dhabar adeegeen dabadeedna ay ku guulaysteen.

Dadkaa ayaga ahaa waxaa soo magacaabay bulshada ku abtirsata degmada kaxda oo waxa ay marwalba kusocdeen latashiyo ay dadka lasamaynayaan,

taasi oo keentay in ay ugu dambayn gaaraan hadafkoodii. Gudoomiyaha kaxda waa mudane maxamed ismaaciil iydoona degmada ay soo mareen 3 gudoomiye oo isaga ka horeeyay.