Khadra Daahir Cige

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Khadro Daahir)
Jump to navigation Jump to search
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.

Khadra Daahir Cige (Af-Ingiriis: Kadra Daher Igeh; Af-Carabi: خذر ظاهر عغه) waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Khadra loo siiyay magaca weyn ee Boqorada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Khadra Daahir waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Khadra Qaali.[3]

Taariikhda Khadra

Khadra Daahir Cige waxay ku dhalatey magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland.[4]

Ka dib, qiyaastii sanadkii 1979kii ilaa 80meeyihii ayaa Khadra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto.[5][6][7]

Heesaha Fanaanada

Fanaanada Khadra Daahir waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[8]

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[9]

Heesaha fanaanada Khadra qaado waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:

  • Heesta Jaleelo
  • Heesta Caashaqu Sadweeye: heestani waxa si talantaali ah u wada qaada Khadro Daahir iyo Saalax Qaasim
  • Heesta Ma Gudho Caashaqaygu

Fanaaniinta Soomaaliyeed

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Khadra.jpg
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii
Sahra.jpg
Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

Qoraalo La Mid Ah

Xigasho

  1. "fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso"
  2. "Boqorada Fanka Soomaaliyeed"
  3. "Khadra Qaali"
  4. "Hargeysa ee gobolka Waqooyi, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland"
  5. "qiyaastii sanadkii 1979kii ilaa 80meeyihii ayaa Khadra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto"
  6. "magaalada Hargeysa"
  7. "Soomaaliya"
  8. "Khadra waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  9. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  10. ""Qoraalka Ii kaalay", qorida Suge"