U bood nuxurka

Khaliif Ciise Mudan

Ka Wikipedia
Khalif Isse Mudan
Khaliif Ciise Mudan
Wasiirka Amniga iyo DDR
Xafiiska la qabanayo
2011
MadaxweyneCabdiraxmaan Faroole
Ku-xigaMaxamed Aloore
Faahfaahinta shakhsiga ah
DhashayKhaliif Ciise Mudan
1953 (1953)
DhintayNovember 24, 2020(2020-11-24) (Da’weyn 66–67)
Sababta dhimashadaCOVID-19

Khalif Isse Mudan (Af Soomaali: Jeneraal Khaliif Ciise Mudan wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed iyo wasiirkii Amniga iyo DDR-ta Puntland intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014, iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya . Wuxuu ku dhintay magaalada Ankara Noofambar 24, 2020 COVID-19 dartiis

Nolosha gaarka ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mudan waxa uu sanadkii 1953-kii ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , wuxuuna waxbarashadiisa hoose ku qaatay magaalada Boosaaso gaar ahaan dugsiga Xaaji Mire Waxbarashadiisii ​​dugsiga dhexe iyo sare waxa uu ka sii watay magaalada Muqdisho , halkaas oo uu u wareegay 1962-kii, waxaana loo diray tababar ciidan 1970-kii, xilligaasoo uu tababar duuliyenimo ku qaatay dalka Ruushka .

Sannadkii 1974-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna ka mid noqday Ciidamadii Millateriga ahaa ee Soomaaliya , isagoo ka mid ahaa Duuliye Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , isagoo darajooyin kala duwan ka soo qabtay illaa uu ka gaaray darajada Gaashaanle 1977-kii Isla sanadkaas 1977-kii waxa la guddoonsiiyay billad geesinimo oo uu ku mutaystay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya , isagoo guulo badan ka soo hooyey duuliye ciidan 1987-kii Khaliif Ciise Mudan waxa uu helay darajada Gaashaanle Sare , waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Saldhigga Balli-doogle , xilkaas oo uu hayay ilaa 1990-kii, waxaana uu darajada Sarreeye Guuto ka qaatay Sannadkii 1990-kii, Jeneral Khaliif Ciise Mudan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, wuxuuna xilkaasi hayay tan iyo 1991-kii, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee dalka Sanadihii 1991-1998 wuxuu ka shaqeeyay dib u heshiisiinta iyo nabadeynta gobolka Waqooyi Bari oo hadda loo yaqaan Puntland , wuxuuna 1998-dii ka mid noqday aasaasayaashii dowladda Puntland 29kii Juun 2006 Khaliif Ciise Mudan, oo ah mulkiilaha/maamulaha shirkadda Mudan Airlines , ayaa heshiis kula saxiixday magaalada Nairobi Cali Maxamed Geeddi , Ra’iisul Wasaarihii DFKMG ee Soomaaliya (DFKMG), Cali Max’ed Geeddi , kaas oo shirkadda Mudan Airlines xaq u siisay in ay hub iyo rasaas ka soo qaado Itoobiya oo ay geyso Baydhabo DFKMG.

Kadib xanuun halis ah, wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaal Ankara , Turkey Noofambar 24, 2020.

"Somalia: Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay khabiir ku takhasusay qaraxyada"

“Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo ku Geeriyooday dalka Turkiga – Wararka Soomaaliyeed maanta oo toos ah”

Gen. Khaliif Ciise Mudan

Taariikh-da AUN Gen. Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeryooday (VIDEO)