Jump to content

Kuliyada Jaalle Siyaad

Ka Wikipedia

Kuliyada Jaalle Siyaad, mararka qaar loo hikaadiyo Kulyada Jaalle Siyaad, waa kuliyad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed loogu tababaro adeega laamaha kala duwan ee ciidanka xooga.

Kuliyada Jaalle Siyaad oo irdaha loo furay sanadkii 1973 waxaa aalaa ka soo bixi jiray saraakiil ciidanka xooga saldhigyadiisa hogaanka u qabta.

Taariikhda Kuliyada Jaalle Siyaad waxaa laga qori karaa kitaabo badan kuwaas oo ka hadlaya ujeedadii aas aaska Kuliyada Jaalle Siyaad, guulihii laga gaaray hiraalkii laga lahaa askunka Kuliyada Jaalle Siyaad oo caan ka noqotay geyiga Soomaaliyeed oo soo maray waqti loo yaqaanay "Awooda ama Xooga Geeska Africa"

Dhalinyarada iyo ragga dumarka da' dhexaadka ah ee ka qalinjabiyay tababaradii dafcadaha badnaa ee Kuliyada Jaalle Siyaad ayaa ahaa kuwo ka kal iman jiray daafaha wadanka sida Saylac, Baraawe, ilaa Beled Xaawo.

Rugta Kuliyada Jaalle Siyaad

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Deegaan ahaan Kuliyada Tababarka Ciidanka Xooga ee Jaalle Siyaad waxay ku tiilay duleedka ama daafta waqooyi galbeed ee caasimada Muqdisho halkaas oo ey kuyaalin xeroyin badan oo milatari sida rugta sarakiisha,damaayo,shirkole officiale , gaashandhiga guulwadayasha,iyo 77 . waxey kutaala halka ey iskaga darsaman dagamada hodan iyo dayniile. Waxaa ay Kuliyada Jaalle Siyaad ku dhawayd Xerada 77 ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.waxaa kabaxday 12 dafco