Laanmadow
Laanmadow, waa magaalo qiyaastii 60km Waqooyi kaga aaddan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Taariikhda magaaladu waxa ay ka soo bilaabaynsaa sannadkii 1964 oo ah markii ugu horraysay ee la dego deegaanka! Magaceedu waxa uu ka soo jeedaa geed qurac ah oo midab ahaan madow u muuqan jiray kaas oo aagga ku yaallay dadka deegaankuna sheegaan in ayba haraadigiisii soo gaareen. Dhanka waxbarashada xilligii dowladihii hore waxa ay lahayd dugsi waxbarasho oo ay maamuli jirtay dowladdii kacaanku kaas oo ay dad badani wax ku barteen. Nasiib-darro se, dowladdii kacaanka ayaa xilli dambe dab qabadsiisay magaaladii oo dhan kana dhigtay dukun daakun! Sababta loo gubay waa mid la xiriirta arrimihii jabhadaha iyo caro hore oo la xiriirta inqilaabkii dhicisoobay ee Cirro iyo Cabdullaahi isku dayeen! Gubiddana waxay la wadaagtay deegaanno badan oo ay iska dhawaaweeyeen isku u jeeddana loo beegsaday. Xilli dambe ayaa Laanmadow dib loo deegaameeyey oo ay dadkii horey uga haajiray mar kale hoy u noqotay.
Haddana waa deegaan ballaaran oo leh dul daaqsimeed aad u weyn, matoor biyood, iskuul waxbarasho iyo xarun caafimaad. Waxaa xusid mudan in guryaha Laanmadow oo dhan ay biyo galin ku jirto si la mid ah magaalooyinka waaweyn!