Leego

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Leego Waa degmo ku taalla Gobolka Shabellada hoose, Leego waxaa degan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa ugu badan Beesha makaahiil ee Gaaljecel.

Halka ay ku taal Leego[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Leego degmo soo jiidasho leh, waxay magaalada Wanlaweyn u jirtaa 44km halka Buurhakaba ay u jirto 54km. Leego waa degmo ku caan baxday daaqa xoolaha nool gaar ahaan Geela ariga iyo lo da oo ay si weyn ugu caan baxday. Leego waxaa hoos yimaado tuulooyin badan oo si weyn loo deggan yahay.

Muhiimadda Leego[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Leego waa degmada ugu caanaha badan deegaannada gobolka Shabeellada hoose, taasoo ay ku soo jiidatay in dad badan oo Muqdishu degganaa ay ka sameystaan guryo fillooyin ah si ay caruurtooda hawo baddalasho ugu keenaan xiliyada barwaaqada oo roobka sida wanaagsan u da'o, taasoo ku caan baxday hawo macaan oo caafimaad leh kuna fiican dalxiiska iyo daawashada deegaanka. Waxaa kaloo ay caan ku tahay kala wareegga ugu wayn ee baabuurta iskiiga kala goosha shabeelada hoose iyo gobolka baay.