Luis Suarez

Ka Wikipedia

Luis Alberto Suárez Díaz waa ciyaryahan u dhashay dalka Uruguay oo haatan ka tirsan Kooxda Premier League ka ciyaarta ee Liverpool, luuqada Spanishka dhawaaqa Suarez waa oraah ah [ˈlwis ˈswares]. 24 January 1987 ayay aheyd markii uu dhashay Luis Alberto Suárez Díaz waxana ay aheyd maalintii ugu wanagsaneyd labada Lamaane ee iska dhalay. Markii da’diisa 19 Jir ay aheyd Luis Alberto Suárez Díaz wuxuu u xir xirtay dalka Netherlands Isagoo ku biiray kooxda FC Groningen, kaddib Suarez waxaa uu ku biiray kooxda AJax Sanadkii 2007. Intii lagu jiray sanadkii 2008 Suarez waxaa loo magacaabey inuu yahey Ciyaaryahanka sanadka ee koooxdiisa Ajax, sanado kadibna waxaa loo dortay gool magafe Suarez kabtanka kooxda Ajax, 35 gool ayuuna ku hantay gool dhalinta Horyaalka Holland 33 kulan uu usaftay. Luis Alberto waxaa loo magacaabay Ciyaaryahanka Sanadka ee horyaalka Holland, 49 gool ayuu shabaqa ku xareeyay tartamadii kala duwaanaa ee uu AJax u saftay. Sanadkii 2010-2011. Suarez waxaa uu dhaliyay goolkiisii boqolaad ee Ajax Isagoo ku biiray Ciyaaryahano badan oo AJax soo maray goolasha boqoleyda u dhaliyay kooxdaas, sida Johan Cruyff, Marco van Basten iyo Dennis Bergkamp. Bishii January Sanadkii 2011 Suarez ayaa €26.5 Million ugu wareegay kooxda England ee Liverpool, waxaana xilligaas ay aheyd waqti kooxda Reds ay ka taalay una baahnayd Jillaaga Garomada ee Suarez. Suárez ayaa ka caawiyay Liverpool in kaalinta Lixaad uu keeno durba halka markii uu ku soo biirayay Liverpool ay dhextaaley Kaalinta 12-aad ee Premier league, waliba hal bil gudaheed ayuu howshaa oo dhan ku qabtay waana ku cusbaa qaab ciyaareedka Horyaalka England oo ka duwan kana adag kuwa Yurub. February 2012 Suarez ayaa kula guuleysatay Liverpool koobkiisii ugu horeeyey kaas oo ahaa koobka Football League Cup Final ama Carling Cup. Suárez ayaa koobka Adduunka 2010 qeyb libaax ugula qeyb qaatay xulka dalkiisa Uruguay oo kaalinta Afaraad kasoo gashay Tartankaas, waxaana uu dhaliyay Saddex gool iyadoo lagu Xusuusanayo goolkii gacanta uu ku bixiyay madaxa xoogan oo Ghana wareega sideedda ay ka dhalin lahaayeen Uruguay waqti dheeri ah oo lagu darayna lagu reebay Ghana. W/D: Abdimajid Sheikh Adanallinka cusub uu durbaba uu kabtanka kooxda uu ka wareejiyay Thomas Vermaelen oo Arsenal ku biiray.bay Kabtan Jadiidka ah ee Ajax, wixii markaas ka dambeeyayna Suarez waxaa uu bilaabay Saddex dhalis ama Afar, guud ahaana 35 gool ayuu dhaliyay 33 ciyaar waxaana uu qaatay gool dhalinta horyaalka Eredivisie isagoo loo caleema saaray ciyaaryahanka sanadka Ajax iyo kan horyaalka Holland. Suarez maaqalinta ayuu ugu dhacay Liverpool , intii uu joogay Ajax waxaa uu u dhaliyay 111 gool 159 ciyaar ee uu saftay, waxaana loo aqoonsaday ka mid noqoshada rug cadaayadii kooxda soo maray sida Van Basten, Bergkamp, Frank de Boer iyo Henk ten Cate. Waqtigiisii Liverpool Xilli Ciyaareedkii 2010–2011 Suarez ayaa heshiis shan Sano iyo bar u saxiixay Liverpool kaas oo gaaraya ilaa sanadka 2016, waxaana uu ahaa Ciyaaryahankii ugu qiimaha badnaa ee Liverpool ay soo iibsato ilaa mardambe oo Andy Carroll (£35 Million) ay kula soo wareegeen. Suarez ayaa horayba Liverpool uga codsaday Lambarka uu aadka u qadariyo ee 7 oo Kooxdaan ay u soo xirteen Macallinkiisii xiligaa Kenny Dalglish iyo Kevin Keegan oo ah rug cadayaal. Suarez ayaa Kulankiisii ugu horreeyay Liverpool u saftay 2 bishii February markaas Anfield ay 2-0 uga badiyeen kooxda Stoke City, bedel ayuu ku soo galay ciyaarta waxaana uu dhaliyay goolka labaad ee Ciyaarta 63 daqiiqo. Wuxuu noqday mid ka mid ah xiddigihii Liverpool soo maray maxaa yeelay Liverpool waxaa uu ka caawiyay hal bil gudaheed in kaalinta 12-aad uu ka soo jiido uuna keeno tan Lixaad ee Premier league kuna dhameystaan darajadaas Horyaalka socday. Sanadkii 2010-2011 waxaa uu ku dhameystay Afar gool 13 Ciyaar oo uu saftay. Ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa ka niyad jabay Liverpool in kaalinta Siddeedaad ay ku dhameysato sanadka 2011-2012 waxaana uu u arkay Liverpool koox hor u socod aan la hayn. Suarez ayaa dhaliyay Saddexdiisii gool oo xiriir ah ee ugu horreeyay Liverpool inta uu la joogay Ciyaar ka dhacday garoonka Carrow Road oo Norwich City uu ku qash qashaaday. Koobka Carling Cup ayuu la qaaday Mudada uu Liverpool uu la joogo kaalinta Lixaad ayuuna kasoo galay Suarez sanadkii 2011 abaalmarinta Laacibka Dunida ee FIFA, FIFA Ballon d’Or Laakiin Sanadkaas Faddeexad ayuu luguha la galay kaddib markii uu midab takooray oo uu aflagaado kala dul dhacay yarka gaaban ee Daafaca France Patrice Evra intii lagu guda Jiray Ciyaartii October ay kala horyimaadeen Wiilasha uu horkaco Ferguson ee Man United. Suarez dhaqan Xumidiisa waxaa lagu ganaaxay siddeed Ciyaar inuu galin garoomada iyo Lacag dhan £40,000 kun. Ganaaxiisa marka uu soo dhameystay Lugtii Labaad oo kooxahan ay Ciyaareen February ayuu diiday inuu gacan qaado Evra kaddib Tababaraha Liverpool Dalglish ayaa ku qasbay inuu gacan qaado dhigiisa oo uu raali geliyo. 6-dii bishii January 2013 Suarez ayaa dhaliyay gool lagu murmay oo gacata uu ugu dhaliyay Ciyaar 2-1 Liverpool ay dirqi ugu fakatay kooxda Mansfield Town oo FA Cup ay ku tartamayeen, macallinkiisa Rodgers ayaa difaacay Suarez halka Macallinka Mansfield Paul Cox uu ka horyimid qiyaanada xiddiga jilliinka ku sameeya garoomada. 19-kii January waxaa uu dhaliyay Suarez goolkiisii 7-aad Saddex Ciyaar oo kaliya uu ka horyimid kooxda Norwich kaddib 5-0 oo ay uga faraxasheen, todobaad kaddibna Suarez ayaa markiisii ugu horreysay noqday kabtanka Liverpool Ciyaar ka tirsan wareegga Afarta FA Cup oo Oldham ay wajaheen hase ahaatee waa uu ku asbaxay oo Oldham ayaa Liverpool ku qaarijisay 2-3. 2-dii Bishii March Suarez ayaa Saddex gool ugu waqlalay Liverpool Ciyaartii 4-0 Wigan ay ugu adkaadeen, waxaana uu markaas noqday Ciyaaryahankii Saddexaad ee Liverpool soo mara oo hal xilli ciyareed 20 gool ka dhaliya Premier league kaddib Robbie Fowler iyo Fernando Torres oo Liverpool goolashaas ugu deeqay. 10-kii bishii March Suarez ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee Tartamada oo dhan Liverpool uu u saxiixo tan iyo markii uu ku soo biiray, isagoo ka qeyb qaatay goolashii Tottenham oo maara loo waayay 3-2 ay ugu adeegtaan,12 kulan oo isku xigana bilaa guuldaro ayay ahayd Liverpool wax u dhaawadana waa la waayay. Xirfadiisa Xulka Suarez ayaa 8 February 2007 u saftay xulka darajada koowaad Uruguay marka kana 3-1 ayay ku suul dareen xulka Colombia, garoonka ayaa laga saaray daqiiqadii 85-aad oo uu qaatay Jaalihii labaad kaas oo rooso u dhigma. Suarez ayaa dhaliyay shan gool 19 kulan oo uu xulkiiisa kala qeyb galay Isreeb reebkii koobka adduunka 2010. June 2010 Tababaraha Uruguay Óscar Tabárez ayaa Suarez ku daray 23-ka Ciyaaryahan ee koobka adduunka uga qeyb galaya, 0-0 waxaa ay la galeen France, 3-0 South Africa ayay guul uga gaareen. Uruguay ayaa Wareega 16 ku reebay South Korea 2-1, Suarez ayaana dhaliyay goolashaas labada ah, Tan iyo 1970-kiina markii ugu horreysay ayay Uruguay u soo baxeen wareegga siddeed dhamaadka. Layaabka koobkaas ayaa waxaa uu ahaa kaddib madax halis ah oo Dominic Adiyiah oo Ghana uu ku tuuray goolka Uruguay uu Suarez gacanta ku soo celiyay, Suarez garoonka ayaa laga saaray waxaana rigoorada Ghana ka qasaariyay Asamoah Gyan, Suarez ayaa u dabaal dagay xulkiisa inuu ka badbaadiyay haritaanka koobka, 4-2 ayayna Rigoorayaal Ghana isaga reebeen una soo talaabeen Semi Finalka Tartanka. Noloshiisa qaaska ah Suarez waxaa uu ku dhashay Magaalada Salto ee dalka Uruguay, waa Da’da afaraad 7 Wiilal Walaalo ah oo wada dhashay, waxaa ay isaga iyo Ehelkiisa ay u safreen Magaalada Montevideo Markaas oo da’diisu ahayd 7-jir. Waalidiintiisa Suarez waa ay kala tageen Isagoo jira 9 sano, waxaa uu la noolaa hooyadii iyo Walaalihii laakiin Aabihii waa uu xiriirin jiray. Montevideo waa uu ku hormariyay waayihiisa ciyaaro ee wado ku ciyaarka, markii uu 11 jir ahaa waxaa lagu casuumay inuu ka qeyb galo xerada tababarka xulka da’yarta dalkiisa, kama uusan qeyb galin, maxaa yeelay mahaysan kabo uu ku ciyaaro, walalkii ka weyn isaga Paolo Suárez waa ciyaaryahan qatar ah kana ciyaaro dalka El Salvador. Sanadkii 2009, waxaa uu guursaday gabadhii ay saaxiibada wada ahaayeen waagii carruurnimadooda, waxaa ay dhalatay gabadhoodii ugu horreysay ee Delfina 5 August 2010. Markii Suarez uu ka qeyb galay Ciyaarayaha koobka adduunka ee South Africa waxaa uu noqday raggii kulugta lahaa barnaamij sadaqo bixin oo lagu taakuleynayo danyarta Africa. Koobabkii uu kula guuleystay xulkiisa iyo kooxihii uu soo maray Kooxda Ajax Primera División (1): 2005–06 Eredivisie (1): 2010–11 KNVB Cup (1): 2009–10 Saddex koob Kooxda Liverpool League Cup (1): 2011–12 hal koob Xulkiisa Uruguay Copa América (1): 2011 hal koob Guud ahaan koobabka uu ku guuleystay waa Shan koob Abaalmarinta shaqsiga ah ee uu ku guuleystay Dutch Footballer of the Year (1): 2009–10 Copa América Player of the Tournament (1): 2011 Eredivisie Golden Boot (1): 2009–10 Ajax Player of the Year (2): 2008–09, 2009–10 Ajax Top Goalscorer (2): 2008– 09, 2009–10 KNVB Cup Top Goalscorer (1): 2009–10 Premier League Golden Boot Landmark Award 10 (1): 2012– 13 Premier League Golden Boot Landmark Award 20 (1): 2012– 13 Standard Chartered Liverpool Player of the Month (10): March 2011, May 2011, August 2011, September 2011, October 2011, April 2012, September 2012, October 2012, December 2012, February 2013. Intaa ayaan kusoo gabagabaynaynaa guud ahaan Taariikhdii Ciyaaryahan Luis Alberto Suárez Díaz, waxaana idiin ballan qaadeynaa in Taariikhda Ciyaaryahannada aan mid mid idin kugu soo gudbin doono inshaa Allaah. W/Q: Maxamed Qadar Ibraahim Daahir GOOLFM Muqdisho Aragtidiinu waa muhim