Machadka Sidam
المعهد الصومالي للتنمية والإدارة Machadka Sidam | |
| Hal ku-dheg | maamul iyo maarayn hufan |
|---|---|
Hal ku-dheg Ingiriisi | Knowledge in circles, efforts and production |
| Nooca | Kulliyad Gaarad ah |
| La aasaasay | 1971 |
| Kansalar | Maxamed Tawakal |
| Kansalar ku xigeen | Shire Jaamac |
| Raktar | Dalmar Faarax Jaamac |
| Goobta | , |
| Website | Official website |
Machadka Sidam waa kulliyad caan ah oo ku taala faras magaalaha magaalada [Muqdisho], gaar ahaan Degmada Shingaani. Sidam waxaa afka qalaad lagu yiraah Somali Institute of Development Administartion and Management) iyada oo la soo gaabiyana isla ereyadaas SIDAM.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kulliyada Sidam waxay ka mid ahayd jaamacadihii tacliinta sare ee [Soomaaliya] sida [Jaamacada Ummada], [Kulliyada Gaheyr] iyo [Jaamacada Lafoole].
Taariikhda la furay Machadka Sidam 1971 waxaana uu maanta machadkii Sidam si dadban uga jiraa Magaalada Hargaysa [1] halkaas oo arday badani dhigtaan machad sita isla magacaas waayahaan dambe ee nidaamxumada iyo boobka hantida iyo magacyadii lagu sameeyay.
Magaca Guracan ee Sidam
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sanadkii 1999 ayaa waxaa kulliyad abaalmarisa shahaadooyin dhexe oo 2 sano waxaa aas aasay iyo rag kale ayaa magaca xarfo is waydaariyay ka dibna ka dhigay Sidam. Sanadkii 1989 ayaa waxaa hadana la shaaciyay in magacan Sidam oo bililiqo ahaa mudo hana jaamacad laga dhigayo. [2]
Ardayda Sidam
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxaana sanad walba imtixaan u gali jirtay arday 2,000 gaaraya walow arday 300 ka yar ay fadhi ka heli jireen laamaha kala duwan ee kullyada Sidam bixin jirtay ka hor burburkii qaran ee sanadkii 1991.
Afka iyo fulinta manhajka Kulliyada Sidam wuxuu barbardhig la ahaa midka Jaamacada Lafoole. Ardayda dhigtaa iyo barnaamijyada Sidam waxay ahaayeen taqasus 2 sano ah halka ay sidoo kale ka jireen qaybo heer 2 sano oo shahaado dhexe (diploma)ah. Machadka waxaa nidaam ahaan uu hoos imaan jiray Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Laamaha Sidam
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sidam hal xarun oo ku tiilay degmada Shingaani aaga Hotel Shabeelle ee Wadada Shabeelle ayuu ku yiilay machadka Sidam. Laamaha cilmiga la baran jirayna waxay kala ahaayeen:
- Maamulka
- Maaraynta
- Afka Ingiriiska
- Xisaabiyenimo
- Dhaqaalaha
Wararka Cusub
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dowlada Soomaaliya ee 11ka gobol ee koonfurta dalka ku dadaalaysa inay ka arimiso ayaa heshiis dhawaan la gashay dowlada Ciraaq inay dib u dayactirto una qalabayso Wasaarada Howlaha Guud iyo labo xarun oo Muqisho aad looga yaqaanay kalana ahaa Kulliyada Sidam iyo isbitaalkii Lanzerti oo "Laansalooti" loo yaqaanay. [3]
Wasaarada Howlaha Guud ayaa ka codsatay wadanka Ciraaq inay Soomaaliya ka caawiso mashruucan oo guud ahaan ku kacaya aduun dhan 15 milyan oo Doolar.
Xigasho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Machadkii Sidam oo Hargaysa ka furan! [4]
- Xasan Sheekh Maxamuud oo Machadkıı Sıdam u badalay Sımad - bılılıqo qaran Archived Juun 27, 2015 // Wayback Machine
- Kulliyadii Sidam oo dib loo dhisayo Archived Juun 10, 2013 // Wayback Machine
- ↑ http://www.baadiya.com/View.aspx?ID=6045%5Bxiriiriye+dhintay%5D
- ↑ http://somalitalk.com/2011/06/24/sidam/ Archived Juun 27, 2015 // Wayback Machine
- ↑ https://web.archive.org/web/20130610144412/http://radiomuqdisho.net/dowladaha-soomaaliya-iyo-ciraaq-oo-kala-saxixday-heshiis-dib-loogu-dhisayo-isbitalka-lansareti-iyo-machadka-sidam/. Archived from the original on 2013-06-10. Retrieved 2014-11-20.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ http://www.baadiya.com/View.aspx?ID=6045%5Bxiriiriye+dhintay%5D
- Pages using infobox mapframe with missing coordinates
- Articles using infobox university
- Pages using infobox university with unknown parameters
- All articles with dead external links
- Articles with dead external links from August 2021
- Articles with invalid date parameter in template
- CS1 errors: unsupported parameter
- CS1 errors: missing title
- CS1 errors: bare URL
- Waxbarasho
- Jaamacadaha Soomaaliya