Mahdi Ayuub Guuleed

Mahdi Ayuub wuxuu ku dhashay sanadkii 1941 magaalada Fiiq, oo ka tirsan deegaanka Soomaalida. Wuxuu waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed ku dhigtay Itoobiya, kadibna wuxuu koorsooyin dheeraad ah ku qaatay dalka Jarmalka.
Sanadkii 1973, Mahdi Ayuub wuxuu ka mid noqday 6-dii xildhibaan ee deegaanka Soomaalida ku matalayay dawladdii Derg. Intii uu xilka hayay, waxaa lagu xasuustaa inuu si dadaal iyo geesinimo leh u sii daayay Suldaan Duulane Rafle iyo Cabdiraxmaan Sheekh Qasim, oo muddo dheer ku xirnaa gobolka Gojjam ee Axmaarada. Arrintan darteed ayaa Mahdi Ayuub jeel loogu taxaabay.
Xilalkii uu Soo Qabtay
Ka dib markii uu xabsiga ka soo baxay, Mahdi Ayuub wuxuu qabtay xilal muhiim ah oo kala duwan:
• 1975 tii Guddoomiyaha degmada Dhagaxmadaw
• Guddoomiyaha gobolka Jarar
• Guddoomiyaha gobolka Afdheer
• Guddoomiyaha gobolka Wardheer – Wuxuu si geesinimo leh u fuliyay toogashada 5 askari oo ka tirsanaa millatariga Itoobiya, kuwaas oo si kibir ah gabadh Soomaaliyeed u dilay.
• Guddoomiyaha gobolka Hararge
• Xubin ka tirsan Golaha Shangooga
• Guddoomiyaha gobolka Fiiq
Sanadkii 1996, Mahdi Ayuub waxaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka deegaanka Soomaalida. Hal sanno ka dib, wuxuu sameeyay af-gambi taariikhi ah, oo uu xilka kaga tuuray Madaxweyne Ciid Daahir, arrintaas oo bogaadin iyo ammaan badan uu ku helay.
Taariikhyahannadu waxay xuseen gabaygii caanka noqday ee la dhihi jiray:
“Moortaanyadii & Madfacii ku dhacay leeeego
Mahdi ina Ayuub baa lahaa Mahadhadeediye
Haduu saa ku mawdana Aduun, magacsan Baw yaale
Oo Hadaan Maalinguur jirin Absame Ba ma muuqdeen”
Xadhigii iyo Dhibaatooyinkii uu La Kulmay
• Xabsigiisii koowaad – Waxaa lagu xidhay dadaalkiisii xornimo-doonka ahaa, markii uu sii daayay maxaabiista Soomaaliyeed.
• 1997 – Waxaa mar labaad loo taxaabay xabsiga, halkaas oo uu ku xirnaa 3 sano.
• Kadib – Wuxuu noqday xildhibaan heer deegaan, kadibna waxaa loo magacaabay hogaanka nabadgalyada DDS.
• Mar Saddexaad – Waxaa loo taxaabay xabsiga weyn ee Zuwey, halkaas oo uu ku xirnaa 6 sano.
Dhimashadiisa & Dhaxalkiisii
Mahdi Ayuub wuxuu ahaa siyaasi geesi ah, oo naf-hurnimo weyn u sameeyay deegaanka Soomaalida. In kasta oo uu marar badan jeel ku jiray, haddana ma uusan joojin halgankiisa.
Allaha u naxariistee, Mahdi Ayuub wuxuu ka tagay taariikh wax ku ool ah, waxaana loo xusuustaa dadaalkiisii, geesinimadiisii, iyo halgankiisii uu ugu jiray xuquuqda Soomaalida Itoobiya.
Xigashooyin & Xusuus
Waxaan kasoo xiganay maqaalo laga sameeyay oo Heer deegan iyo dawladaba ka socda