Makaso

Ka Wikipedia

Makaso[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waa deegaan xeebeed dhacda bariga  (Gobolka Jubada Dhexe ) ee badweynta Hindiya isla markaana ah Tuulo yar ay ku noolyihin tiro yar qoysas reer miyi ah iyo kallumeysato.

Deegankan waxa loogu magac daray ceel gacmeedka la yiraahdo Makaso.

Makaso waxa degta beesha Shiikhaal Lobage gaar ahaan jufada Samafale Caagane.

Deegaanka Makaso dhinaca galbeedka waa Dhul Daaqsimeed cows leh xoolaha ay daaqi karaan sida ( Geela iyo Ariga )

waxay kaloo leedahay  Caro gaduud, Caro Madow , Caro cad iyo buuro yar yar xeebta ku teedsan dalxiiskana ku haboon.

Degaanka Makaso waxay qiyaasti 26km dhinaca bari ka xigta deegaanka Xaramka

Sidoo kale dhanka koonfureedna waxa ka xiga deegaanka geesguud xeebta

Dhinaca koonfur galbeedna waxa ka xiga magaalada weyn ee Jilib

Waxbarashada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Deegaanka Makaso waxa ku yaala goobo waxbarasho oo qadiimi ah .

waxay leedahay Madrasad dugsi quraan

iskuul wabrasho la yiraahdo Al Raxmaan Primary and Secondary School

dugsiga farasamada gacanta Layiraahdo Proffesor Guure Technical School waxaana lagu bartaa farsamada gacanta sida :

1.Korontada

2.dhismaha

3.Kallumeysiga

Caafimaadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

deegaanka makaso waxa ku yaala goobo yar yar oo caafimaad sida MCH . malahan isbitaal wayn oo laga helo adeeyada caafimaad oo dhamestiran

Dhaqaalaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhaqaalaha deeganka wuxuu ku tiirsanyaahay xoolaha nool iyo kaluumeysiga

References[1][2][wax ka badal | wax ka badal xogta]