Maroodiley
Appearance
Maroodiley waa tuulo ku taalla, bariga magaalada Qallaafe. Waxaa loogu magac daray buurta Maroodiley, ee ku taalla deegaankaan. Waxaa mara webiga Shabeelle, kaasoo dadka deegaankaan ka dhigay beeraley, oo sanadka oo dhan wax beerta, ama wax goysta. Waxaa dega beesha Reer Geedoow, gaar ahaan Reer Muuse.