Matxafka Caruusadaha ee Philadelphia
![]() | |
| La aasaasay | 1988 |
|---|---|
| Goobta | 2253 North Broad Street, Philadelphia, Pennsylvania, United States |
| Isuduwaha | 39°59′16″N 75°09′20″W / 39.98766°N 75.15567°W |
| Agaasime | Barbara Whiteman |
Philadelphia Doll Museum (Madxafka Caruusadaha ee Philadelphia) wuxuu ku yaallaa Philadelphia cinwaanka 2253 North Broad Street ee dhabbe-marinka Avenue of the Arts.[1] Waa madxafyada keliya ee la yaqaan ee ku yaalla dalka Maraykanka ee xoogga saara ururinta iyo dhowrista caruusadaha madow oo loo arko hanti ka mid ah raadadka taariikhda iyo dhaqanka.[1][2]
Taariikhda
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Madxafkan waxaa aasaastay Barbara Whiteman sannadkii 1988.[3] Iyadu waa qof si xamaasad leh u ururisa caruusadaha madow, waxayna aamminsan tahay cilmi-baarista iyo dhowrista taariikhda dadka madow.[3] Whiteman waxay tiri caruusadaha ay ururisay waa “wax ka badan walxo lagu ciyaaro; caruusadahan Madow waxay astaan u yihiin halganka xorriyadda iyo karaamada bini-aadamka. Caruusad kasta waxay xambaarsan tahay farriin run iyo xoog leh oo muhiim u ah horumarka nafsi ahaaneed iyo bulsho ahaaneed ee dadka Madow. Marka laysku darona, waxay soo bandhigayaan sawirro muujinaya sidii dadka Madow loo arki jiray taariikhda dunida oo dhan.”[4] Madxafku wuxuu soo bandhigaa in ka badan 300 oo caruusadood, isagoo haysta ururin joogto ah oo gaaraysa qiyaastii 1,000 caruusadood.[2] Caruusadaha waxaa weheliya diiwaanno iyo sheekooyin ku saabsan sidii dadka madow loo arki jiray taariikhda dhexdeeda[1] waxayna le'egyihiin cabbirro kala duwan oo ka bilaabma sawir-gacmeedyo yaryar ilaa sawirro qof le'eg.[5] Bandhigga Philadelphia Doll Show waa munaasabadda ugu weyn ee Madxafka Caruusadaha ee Philadelphia, waxaana loo isticmaalaa in laysugu keeno dadka caruusadaha ururiya, gaar ahaan kuwa ururiya caruusadaha madow, iyo kuwa caruusadaha sameeya si loo abuuro suuq loona qiimeeyo caruusadaha madow.[6] Madxafku wuxuu bixiyaa muxaadarooyin ku saabsan taariikhda caruusadaha madow, iyo sida caruusadda madow loogu isticmaali karo agab wax lagu baro. Sidoo kale wuxuu bixiyaa aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan samaynta caruusadaha waraaqda ah iyo caruusadaha biinka dharka laga sameeyo oo loogu talagalay carruurta. Waxaa kale oo jira aqoon-is-weydaarsiyo ku saabsan samaynta caruusadaha marada ah oo loogu talagalay dadka waaweyn. Intaas waxaa dheer, madxafku waa naadi aan rasmi ahayn oo ay ku kulmaan dadka caruusadaha ururiya iyo kuwa sameeya.[7][8] Madxafkan waxaa lagu xusay maqaalkii Doll Reader ee "10-ka Madxaf ee mudan in la booqdo" bishii Ogosto 2011.[2] Madxafku wuxuu bixiyaa muuqaal dhammaystiran oo ku saabsan koboca caruusadaha madow.
Aasaasaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Barbara Whiteman waa aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee Philadelphia Doll Museum.[4] Waxay ururinteeda ku horumarisay barashada taariikhda iyo dhaqanka dadka Madow.[4] Waxay ku socdaashaa dalka oo dhan iyadoo bixinaysa muxaadarooyin iyo soo bandhigista ururinteeda.[4] Waxay tiri caruusadahan Madow waa "Wax ka badan walxo lagu ciyaaro ama alaabta lagu ciyaaro, caruusadahan Madow waxay astaan u yihiin halganka xorriyadda iyo karaamada bini-aadamka. Caruusad kasta waxay xambaarsan tahay farriin run iyo xoog leh oo muhiim u ah horumarka nafsi ahaaneed iyo bulsho ahaaneed ee dadka Madow. Marka laysku darona, waxay soo bandhigayaan sawirro muujinaya sidii dadka Madow loo arki jiray taariikhda dunida oo dhan.”
Xiriirka Philadelphia
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Philadelphia Doll Museum wuxuu sidoo kale u adeegaa goob kulan oo loogu talagalay aqoon-is-weydaarsiyada ku saabsan samaynta caruusadaha waraaqda iyo biinka dharka ee dugsiyada, kaniisadaha, iyo ururada dhaqanka.[9] Waxay sidoo kale martigelisaa muxaadarooyin dadweynaha loogu talagalay oo ku saabsan taariikhda caruusadaha madow, iyo caruusadda madow oo ah hab wax lagu baro.[9] Intaas waxaa dheer, Philadelphia Doll Museum wuxuu martigeliyaa Philadelphia Doll Society, oo ah naadi aan rasmi ahayn oo loogu talagalay dadka caruusadaha ururiya iyo kuwa sameeya.[9]
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- 1 2 3 "PHILADELPHIA DOLL MUSEUM : About Us". Philadollmuseum.com. Archived from the original on 2012-01-06. Retrieved 2012-02-07.
- 1 2 3 Kathryn Peck (2011-08-24). "10 Doll Museums Worth a Visit". Doll Reader magazine. Retrieved 2012-02-07.
- 1 2 "PHILADELPHIA DOLL MUSEUM : Director Biography". Philadollmuseum.com. Archived from the original on 2011-12-17. Retrieved 2012-02-07.
- 1 2 3 4 "Philadelphia Doll Museum". Archived from the original on 2011-12-17. Retrieved 2012-02-22.
- ↑ Ivory, Karen (2007). Philadelphia Off the Beaten Path: A Guide to Unique Places. Globe Pequot. p. 121. ISBN 9780762742103.
- ↑ "Philadelphia Doll Museum :: Black Doll Shows". Archived from the original on 2012-04-18. Retrieved 2012-02-08.
- ↑ "Philadelphia Doll Museum". Archived from the original on 2012-01-06. Retrieved 2012-02-07.
- ↑ McClelland, Jim (2007). Philidadelphia Guide to Visual & Performing Arts. Stackpole Books. p. 35. ISBN 9780811734011.
- 1 2 3 "Philadelphia Doll Museum". Archived from the original on 2012-04-06. Retrieved 2012-03-27.
