Jump to content

Maxamuud Jama Nuux (Daalin)

Ka Wikipedia

Maxamuud Jaamac Waal "Daallin", (1856-1990), (HJ) muuse abokor reeryoonis, cismaan yoonis Maxamuud oo gabyaanimada ka sokow hayey taariikhda soomalida ee labadii qarni ee tegey ayaa markii da'diisu aad u weynaatey la weydiiyey sababta uu wax la illaawi waayey. Marxuumku wuxuu Xijaabtey 1990kii isagoo da'diisu kor u dhaaftay 130 sano. Wuxu yidhi marxuumku;

	Rikoodh baa calooshayda yaal runi ka buuxdaaye

Riyo iyo manaam baan hurdada reemay keligay'e Rakcadiina waan wada tukadey raatibta ahaaye

Haddaan ragiyo naago u garnaqay raalli kala waayey Oon ruux dhintiyo kaa fadhiya raashin wada siiyey Oon raxan dhurwaa iyo dawaco wada rasaaseeyey

Oon ray caleenliyo abaar reerka wada daajey Oon runiyo been soo arkoo weliba raad gooyey Oon raqayo Raawila noqdiyo raqab la sheekaystay

Oon risaala caydha noqdoo raaxo daba joogtey Oon ramag irmaan iyo horweyn raas ka wada ooday aan guuto niman soo rogtiyo raacdo daba joogey Haddii qolo intii aan la ridey qolona riixaayey

Ruuga iyo Jidbaale iyo haddaan Rigacad soo joogey Oo raranki Beerdhiga cagaag ruugagga i diiray Oo aan Ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka Alow yaa riwaayad iga qora raa'ib baan ahaye

Gabaygan oo daba joogey kiisii Ra'leyda ahaa ee uu isku sifaynayey abwaanku wuxu kaga jaawabay suaalo dhawr ah oo laga weydiiyey da'diisa iyo xasuustiisa dheeraadka ah ee Eebbe ugu deeqay ; Wuxu yidhi Maxamuud Daallin (Alle ha u naxariistee)

Garoowiyo Taleex iyo Nugaal godammadi Tuuyo Gelimeys arliga uu degiyo gaanka Ba Xawaadle Waxa webiga guud jooga yaan gelin ogaadaaye

Taar baa garbaa iigu xidhan goor iyo ayaane Guuguulahaa duulayaan gacal waraystaaye Waxa bahal galaayuusayaan garan afkoodiiye

Galawgiyo jinkaa ii warama gaar habeennimoe Gudcur dama alalylkii ninkii gegi ku kaajaaya EE geli cidla ah moodayoow geeshash bay tuban

Gaadh aan ilaalo u diraa geed ku hoos jirae Goonyaha ragbaa kaa fadhiya aadan garanayne iminkaanse gaboobiyo anoo gabanahoo wiila

Allahayoow af ceeb galay maxaan gibil madow saaray Oo sidi ganboba niman ogeyn gudub ka weydaartey Isna uu ku garan maayo yidhi waw garaad xumo'e Ninkiise garan baa garanayee gedef ha saarraado