Jump to content

Mujamac Umul Qura

Ka Wikipedia

Mujamac Umul Quraa مجمع أم القرى التعليمي waa dugsi hoose dhexe iyo sare oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmeda Boondheere. Dugsiga waxaa la aasaasay sannadkii 1994. Mujamac waa dugsigii ugu horreeyay ee Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Muqdisho laga furo burburkii dowladdii dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kaddib. Dugsiga waxaa maalgelin jiray hey'ad Boqortooyada Sacuudi Carabi laga leeyahay oo lagu magacaabo 'Hey'adda Gargaaka Caalamiga ah ee Islaamka ee Boqortooyada Sacuudi Carabi.' Mujamac billowgii hore ilaa sannadkii 2001 bareyaashii wax ka dhigi jiray waxaa ka mid ahaa bareylaa Masaari ah. Balse weerarradii 9/11 kaddib ayey ka tageen dugsiga iyo guud ahaan dalka.