Ogeyslabe
Fiiro gaar ah: Kani waa maqaal ku saabsan beel (qabiil), fadlan dhexdhexaad ka ahoow qoraalkaaga |
Ugaaslabe oo sidoo kale loo yaqaan (Abdirahman Gerad Hasan Hamar-Gale) waa beel ka mid ah beelaha waaweyn ee beelweynta Warsangeli harti darod. Beeshu waxay caan ku tahay taariikhdooda hodanka ah, dhaqaalahooda xooggan, iyo doorkooda muhiimka ah ee degaanka,
| Meelaha ay ku badan yihiin | ||||||||||||
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
|
| ||||||||||||
| Luqada | ||||||||||||
| Diinta | ||||||||||||
beeshu waxay leedahay taariikh facweyn oo ku saabsan ta'siiska, xukunka iyo dhaqaalaynta caasimadaha saldanada Warsangeli, ee ah tan ugu facaweyn geeska Africa, sidoo kale beeshu waxay ku suntan tahay diinta iyo fidinteeda, iyo in saldnaddu mar walba isku xuknto diinta Islam ka.
Magaalooyinka Taariikhiga ah ee Ogeyslabe Asaaseen
[wax ka badal | wax ka badal xogta]1. Magaalada Lasqorey waxa la aasaasay sannadkii 1720, waxaana aasaasay Sheikh Cali Maxamuud Nuux. Waxay ahayd xarun muhiim ah oo ganacsi iyo waxbarasho, halkaas oo Sheekhu duqa magaalada ka ahaa isla markaana si diirran ugu soo dhawayn jiray ganacsatada iyo dadka safarka uga imaan jiray Ardul Sawaaxil iyo dhulal kale oo fog. Sheekhu waxa uu dacwada Islaamka si firfircoon ugu fidin jiray dadkaas, gaar ahaan kuwa ka iman jiray Zinjibaar ee aan Muslimiinta ahayn waqtigaas. Masjidul saxaaba, oo qayb yar oo ka mid ah weli taagan tahay ilaa maanta, ayaa ahaa xarunta rasmiga ah ee uu Sheekhu ku bari jiray ardayda (Diinta), isla markaana uu halkaas ku soo dhawayn jiray dadka Saldnadda soo booqda. 2. Hadaftimo: Magaalada Hadaftimo, oo la dhisay dabayaaqadii qarnigii 19-aad, waxay ahayd mid kale oo muhiim ah xiriirna la leh dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka. Waxaany ahayd caasimadda siyaasiga ah ee saldanadda muddo dheer.
Deegaannada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Ogeyslabe:
- Lasqorey
- Badhan
- Hadaftimo
- Xingalool
Ceerigaabo iyo Deegaanada kale ee ku teedsan xeebaha iyo buuraleyda gobolka Sanaag. Waxa kale oo ay beeshani leedahay jaaliyad ballaaran oo ku nool qurbaha, gaar ahaan waddamada khaliijka carabta, Yurub, iyo Waqooyiga Ameerika.
Dhaqaalaha iyo Ganacsiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Ogeyslabe waxay door muhiim ah ka qaadatay dhaqaalaha deegaanka. Waxay ku caan baxeen ganacsi, xoolo-dhaqasho, iyo ka ganacsiga badeecadaha kala duwan ee la isku dhaafsado gobollada Geeska Afrika iyo Khaliijka Carabta gaar ahaan Saldanada Cumaan. Sidoo kale beeshu waxay ku suntantahy dhaqanka Soomaalida ee ku saleysan wada-tashiga iyo xallinta khilaafaadka bulshada sukeeya iyo shisheeyaba.
Lineage ka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Ogeyslabe Magiciisu Waa Abdirahman Gerad Hassan (Hamar-Gale) oo lahaa 2 wiil
- 1- Deek Abdirahman (Habar-Deeko)
- 2- Awsame Abdirahman
Awsame waxu dhalay Maxamed oo ahaa Ugaas, ugaasnimada Saldnadda warsangeli dhexdeeda waa hogaamiyaha ka masuul ka ah gaashaan qaad ka iyo ilaalin ta saldanadda iyo xududeheeda berri iyo bad ba oo loo yaqaan (Supreme Defense Chief) halku geraad ku yahay (Supreme Leader) ka guud ee saldanadda. Waxaana ka farcamay 4 jilib oo waaweyn:
- 1- Reer Liibaan
- 2- Cali Saleebaan
- 3- Reer Ugaadh
- 4- Rooble Cali [Bah-Riighaye]