PRAESA

Ka Wikipedia
Ururka Praesa

PRAESA (loo soo gaabiyay: Project for the Study of Alternative Education in South Africa; macnaha: Mashruuca Barista Waxbarashada ee Koonfur Afrika) waa urur ka dhisan waddanka Koonfur Afrika oo carruurta iyo dhallinyarada ku dhiiri geliya akhriska.

PRAESA waxaa la aas aasay 1992. Ururka waxaa gundhig u ah saddex ujeedo:

  • In carruurta koofurafrika ee leh luqadaha kala duwan loo soo bandhigo buugaag qiimo wanaagsan leh laguna dhiiri geliya wax akhriska.
  • In la abuuro wada shaqayn ka dhaxaysa ururada dhiiri geliya akhriska iyo kuwa daabaca ama soo saara buugaagta.
  • In la sallaxo lana sameeyo dhaq dhaqaaq si loo dhiiri geliyo hawl wax  ku ool ah oo ay weheliyaan akhris iyo sheekooyin ku wajahan bulshada meelaha ay dhibtu ka jirto.

Waxaa loo doonayaa in la dhiiri geliyo xiisaha akhriska iyo kalsoonida carruurta ayadoo loo sameynayo  buugaag ku qoran luqadaha kala duwan ee afrikaanka.

Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa buuga taxanaha ah ee The little hands. Waxaa jira mashruuc kale oo la yiraahdo Vulindlela Reading Club kaasoo iskugeynaya ama israacinaya sheekooyinka, akhriska, heesaha ciyaaraha iyo in loo soo bandhigo riwaayad ahaan  taasoo lagu baraarujinayo ururada kala duwan ee qaabilsan wax akhriska.Waxaa kaloo la adeegsaday qalabka warbaahinta si xataa loo baraarujiyo aabbaha, waalidka xagga hooyo, waalidka xagga aabbe iyo barayaasha ama macallimiinta si ay carruurta ula qaybsadaan una xasuusiyaa akhriska.

Sanndkii 2014 ururka PRAESA Ashi Reading Promotion Award ayaa waxaa billad abaal marin  ah guddoonsiiyey IBBY, International Board on Books for young People.

Sannadkii 2015 waxaa ururka PRAESA guddoonsiiyey  abaal marinta xasuusta Astrid Lindgren (ALMA-priset) taas oo ay ku mutaysteen dhiirigelinta akhriska carruurta koofurafrika.

Isha ay ka timid[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mareegta aad ka helayso PRAESA[wax ka badal | wax ka badal xogta]