Phoenix, Arizona

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Fiiniks, Arizona ee dalka Maraykanka.
Phoenix, Arizona
—  Magaalo-madaxda Gobolka  —
Caasimada Fiiniks
Kor, bidix ilaa midig: Beerta Papago Park wakhti qorax dhac ah, St. Mary's Basilica (Phoenix), Farasmagaalka Phoenix, Dhismayaasha dhaadheer ee Phoenix wakhti habeen ah, Xarunta Sayniska Arizona, Aqalka Rosson, Tareenka fudud ee Metro Light Rail, geedka Tiinka saguaro, iyo buurta McDowell Mountains
Magac loogu yeero: "Dooxadii Qoraxda", "Doox"
Meesha kaga yaalo Degmada Maricopa County iyo gobolka Arizona
Phoenix, Arizona is located in Maraykanka
Phoenix, Arizona
Phoenix, Arizona
Meesha kaga taalo wadanka Maraykanka
Dhacdaa: 33°27′N 112°04′W / 33.450°N 112.067°W / 33.450; -112.067Isuduwe: 33°27′N 112°04′W / 33.450°N 112.067°W / 33.450; -112.067
Wadanka Maraykanka
Gobolka Arizona
Degmo Maricopa
La degay 1867
Dowlad Hoose Febraayo 5, 1881
Xukunka
 • Nooca Maamulka Golaha
 • Qaabka Golaha Caasimada Fiiniks
 • Duqa-magaalada Greg Stanton
Baaxadda
 • City 517.948 sq mi (1,341.48 km2)
 • Dhul 516.704 sq mi (1,338.26 km2)
 • Biyo 1.244 sq mi (3.22 km2)
 • Metro 14,565.76 sq mi (37,725.1 km2)
Joogga[1] 1,086 ft (331 m)
Tirada dadka (2010)[2]
 • City 1,445,632
 • Estimate (2014) 1,537,058
 • Rank US: 6aad
 • Tiro Badnaan 2,967.59/sq mi (1,145.79/km2)
 • Urban 3,629,114 (US: 12aad)
 • Magaalo 4,489,109 (US: 12aad)
 • Bulshada Phoenician
Saacad MST (UTC−7)
 • Xagaa (DST) ma laha saacada lagu daro maalintii (UTC−7)
ZIP kodh 85001–85099
Area code(s) Area kode 480, 602, iyo 623
FIPS kode 04
Astaanta GNIS 44784, 2411414
Gego Diyaarad Gegada Diyaardaha Fiiniks – PHX (Kan ugu weyn/Caalami)
Website www.phoenix.gov

Fiiniks, Phoenix (/nɪks/) waa magaalo-madaxda, iyo caasimada ugu weyn gobolka Arizona ee wadanka Maraykanka. Fiiniks waxay leedahay bulsho dhan 1,445,632 (sida lagu ogaaday tirokoob dowladu qaaday sanadkii 2010ka). Caasimada Fiiniks waa magaalo-madaxda ugu shacabka badan dhamaan caasimadaha wadanka Maraykanka. Sidoo kale waa magaalad 6aad ee ugu dadka badan tirada deegaanada wadanka.[3]

Muuqaalka farasmagaalka Fiinis oo hawada sare laga sawirey

Waxaa intaas dheer, caasimada Fiiniks waa saldhiga Phoenix Metropoitan Area, oo sidoo kale lagu magacaabo "Dooxada Qoraxda", midaasi oo iyadna ka tirsan Dooxada Webiga Salt. Marka laga hadlayo Phoenix iyo degaanda hoos yimaada waa mida 13aad ee ugu shacabka badan wadanka Maraykanka, taasi oo leh bulsho dhan 4.3 milyan dad ah (sida lagu ogaaday tirokoobtii sanadkii 2010ka).[4][5] Caasimada Fiiniks waxaa intaas u dheer ineey tahay fadhiga dowlada Degmada Marikoba, iyo mid ka mid ah deegaanda ugu baxada balaadhan wadanka Maraykanka.[6]

Maabka Xaafadaha Caasimada Fiiniks

Magaalada waxaa markii ugu horeeysay soo degay sanadkii 1867 dad beeroleey ah, kuwaasi oo soo jiiteen webiga Salt, webiga Gila iyo dooxaha dhaca agagaarka magaalada Fiiniks. Waxaa magaalo rasmi ah loogu dhawaaqay sanadkii 1881.[7]

Caasimada Fiiniks waxay dhacdaa waqooyibari Lamadegaanka Sonoran, kaasi oo leh cimilo qalalan oo la mid ah tan deegaanada ka baxsan dhul-badhaha. Iyadoo taasi jirta ayaa hadana waxaa deegaanka Fiiniks leeyahay nidaamyo beero waaweyn oo soo saara khudaar, cudbi, suuf iyo midho badan ooy kuba tiirsan tahay magaalada Fiiniks iyo nawaaxigeedu.[8][9]

Dagaalkii Labaad ee Aduunka wixii ka horeeyay dhaqaalaha magaaldan Fiiniks wuxuu aad ugu tiirsanaa beerida iyo soosaarida cudbiga, lo'da, Naxaasta iyo khudaarta, taasi oo taagertay bulshada gobolka tan iyo aasaaskii caasimada.






Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Map portraying ancestral Hohokam lands circa 1350
Maabka deegaanada Hohokam ca. 1350

In ka badan 2,000 sano waxaa deegaanka Fiiniks ku noolaa dadka Hohokam ee ka tirsan dadka asal ahaan loogu yimid qaarada Ameerika.[7][10] Dadkaasi Hohokam waxay sameeyeen gacan biyo oo dhererkiisu yahay ilaa 135 mayl (217 km) kaasi oo ka dhigay dhulkii lamadegaanka ahaa mid la qodan karo (la beeran karo oo leh caro nafaqo leh). Intaasi waxaa dheer, qabiilka Hohokam waxay xidhiidh ganacsi la sameeyn jireen dhamaan qabiilaa jaarka la ahaa ee ka midka yihiin Anasazi, Mogollon iyo Sinagua (qabiilo ka mid ah Dadka Asalka Ameerika).[11]

Waxyaabaha horumarka deegaanka ka qeyb qaatey waxaa kow ka ah gacanada-biyaha iyo dooxooyinka, kuwaasi oo suurto geliyay ineey taageeraan nolosha dadka iyo duunyadaba.[12][13]

Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyadii gumaystaha reer Yurub ku fidaayay meelo badan oo qaarada Ameerika ah ayaa Isbayn qabsatey deegaanada Arizona taasi ooy ka mid dhigtey maamulkii Isbayn ee Ameerika loona yaqaanay Isbayn Meksiko. Sanadkii 1848, markii uu dhamaaday dagaaladii Meksiko iyo Maraykanka ayaa dowlada wadanka Meksiko ka iibisay Arizona dowlada wadanka Maraykanka, sidaasi ayayna Fiiniks ku noqotey mid ka tirsan wadanka Maraykanka.[14]


Bulshada Fiiniks[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Caasimada Fiiniks waa tan 6aad ee ugu bulshada badan wadanka Maraykanka (sida lagu sheegay tiro-koob dowladu qaadey sanadkii 2010ka), waxayna magaladu leedahay 1,445,632 taasi oo ka dhigaysa magaalo-madaxda ugu shacabka badan wadanka Maraykanka.[15]

Noocyada Bulshada 2010[16] 1990[17] 1970[17] 1940[17]
Cadaanka (marka lagu daro Hispanik Cad) 65.9% 81.7% 93.3% 92.3%
Madoow ama Afrikan Ameerikan 6.5% 5.2% 4.8% 6.5%
Hispanik ama Latino (dhamaantood) 40.8% 20.0% 12.7%[18] n/a
Aasiyaan 3.2% 1.7% 0.5% 0.8%
Cadaan ahayn Hispanik 46.5% 71.8% 81.3%[18] n/a

Muuqaalka Magaalada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Muuqalka Caasimada Fiiniks, Arisona
koonfurta caasimada Fiinis goor habeen ah


Magaalooyinka Maraykanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]


Magaalooyinka Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka Gobolada Isku Tegay ee Ameerika
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. Cite GNIS|44784|Feature Detail Report for: Phoenix
  2. "American FactFinder". United States Census Bureau. Retrieved June 18, 2014. 
  3. "Phoenix QuickFacts from US Census Bureau". United States Census Bureau. Retrieved September 11, 2012. 
  4. Census: Phoenix-area population tops 4.3 million, moves up metro rankings – Phoenix Business Journal. Bizjournals.com (March 14, 2013). Retrieved on September 6, 2013.
  5. People in Phoenix-Mesa-Scottsdale Metro Area, Arizona. Bestplaces.net. Retrieved on September 6, 2013.
  6. "County and City Data Book: 2007" (PDF) (14 ed.). U.S. Census Bureau. 2007. p. 712. 
  7. 7.0 7.1 "History of Phoenix". City of Phoenix. Archived from the original on April 15, 2014. Retrieved April 15, 2014. 
  8. "Farming and Ranching". arizonaexperience.org. Retrieved February 17, 2014. 
  9. "A Short History of South Phoenix from 1865 to the early 1930's". barriozona. Retrieved February 17, 2014. 
  10. Trimble, Marshall (1988). Arizoniana. American Traveler Press. p. 103. ISBN 978-1-885590-89-3. 
  11. "The Hohokam". Arizona Museum of Natural History. Retrieved February 20, 2014. 
  12. "Xalychidom Piipaash (Maricopa) People". Salt River Pima-Maricopa Indian Community. Retrieved February 17, 2014. 
  13. "Maricopa Tribe". Access Genealogy. Retrieved February 17, 2014. 
  14. Spencer C. Tucker (2012). The Encyclopedia of the Mexican-American War: A Political, Social, and Military History. ABC-CLIO. p. 255. ISBN 9781851098545. https://books.google.com/books?id=I9ceNvefrToC&pg=PA255. 
  15. Bui, Lynh (March 13, 2011). "Arizona Republic: "Phoenix drops to sixth largest city."". Azcentral.com. Retrieved June 19, 2012. 
  16. "State & County QuickFacts - Phoenix (city), Arizona". United States Census Bureau. 
  17. 17.0 17.1 17.2 Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named census
  18. 18.0 18.1 From 15% sample