Portal:Aasiya

Ka Wikipedia
Aasiya Portal
Warbixin Guud   Juquraafiga  
Aasiya

Aasiya (Eeshiya Af Ingiriis : Asia; Af Carabi : ar‎; |ˈ|eɪ|ʒ|ə|,_|ˈ|eɪ|ʃ|ə|) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka taasi oo gaadhsan 4.4 bilyan (labada wadan ee ugu dadka badan waa Hindiya iyo Shiinaha). Waxaa xusid mudan iyadna in qaarada Aasiya ay ka dhismeen boqortooyooyinka ugu horeeyay ee aadamuhu sameeyaan. Guud ahaan, qaarada Aasiya waxaa dhinaca bari ka xiga Badweynta Baasifik, koonfurta waxaa ka xigta Badweynta Hindiya, dhinaca waqooyi waxaa ka xiga Badweynta Arktik. Aasiya waxay dhinaca ku haysaa qaarada Yurub, halkaasi oonu jirin wax dabiici ah oo labada qaaradood kala sooca. Laakiin sida ku xusan sharciyada caalamiga ee xuduudaha qaarada Aasiya xadkeedu wuxuu ka bilaabmaa bariga Gacanka Suweys, webiga Yural, iyo Buuraha Yural. Aasiya waa qaarada ugu weyn aduunka isla markaana ugu dadka badan dhamaan caalamka. Buurooyinka ugu weyn aduunka waxee ku yaalaan qaaradan.

Muuqaalo

Bangkok skyline
Bangkok skyline
Xuquuqda sawirka: Benh Lieu Song

Dabaqyada farasmagaalka caasimada Bangkok, oo ah magaalada ugu wayn wadanka Thailand.

Sawir Xul ah

Sikh
Sikh
Xuquuqda sawirka: Paul Rudd

Nin aaminsan diinta Sikhiga kuwaasi oo ku badan gobolka Bunjaab, Hindiya.

Shakhsi xul ah

Maqaal xul ah

Calanka Hindiya
Hindiya

Hindiya ama Jamhuuriyadda Hindiya waa wadan ku yaala Aasiya waana wadanka Aduunka ugu dadka tirada badan marka laga reebo Shiinaha. Wadanka waxoo xuduud la leeyahay, wadamada Bakistaan, Shiinaha, Nebal, Butaan, Bangladesh iyo Burma. Dhinaca xeebaha neh waxoo xuduud la leeyahay wadamada Siri Laanka, Jasiirada Maldiif, iyo Indonesia. Magaalo madaxda wadanka waa New Delhi. Wadanka Hindiya waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 1 Biliyan oo qof, waxaana lagu hadlaa luqado gaareeso in kabadan 100af. Hindiya waa wadanka afaraad oo ugu ganacsiga badan aduunka. Hindiya waxee leedahay Taariikh aad u dheer. wadanka waxuu jiri jiray kumanaan sano kahor. Gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay Hindiya iyo pakistaan, markooda hore waxee ahaayeen hal wadan. waxeenaxornimada qateen1947kii, waa markii ee Bakistaan iyo Bangladesh ee ka go'day Hindiya.pakistan waxee hindiya ooga go'day kala duwanaashaha diinta. Hindiya waa wadan laga caabudo hindu, pakistaana waa wadan muslimiinta ku badanyihiin labada qeebood dagaalo badan ayaa dhexmaray sanado badan. Kadib sanadka marka uu ahaa 1948kii ilaa 49kii, Hindiya iyo pakistaan waxaa ka dhex jiray dagaalo dagaaladaas oo sabab u eheed kala qeebintii Gobolka Kashmir. Luqada ugu ween oo Hindiya looga hadlo waa af hindi iyo luuqada ingriiska Wadanka Hindiya waxaa laga caabudaa Lo'da

Category

Maqaalada Aasiya

Portal kale

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]