Portal:Afrika/Shakhsi xul ah/4

Ka Wikipedia
Nelson Mandela

Nelson Rolihlahla Mandela (Carabiga.روليهلالا 'نيلسون' مانديلا) waa madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika. waxaa uu ahaa halgamaa waxa uu si balaadhan ugasoo horjeestay nidaamkii midab kala sooca ahaa ee kajiray konfur afrika, qabiiladiisu waxa ay u bixiyiin naanaysta ah madiba oo uu macneheedu yahay qofkii aadka u akhlaaqda badnaa, mandeelaa waxaa lasheegaa in uu si wayn ujeclaa mmahatama gandi wax yaaba farabadan ayaanay isaga midyihiin oo ku saabsan xaga falsafada iyo wadani nimada xornimada. Mandeela wuxuu dhashay sanadkii 1918 18 juli waxa uu ku dhashay mandaqada taranskay ee konfur afrika. Aabihii waxa uu ahaa madaxa qabiilada tinbo ee caanka ah, aabihiina waxa uu dhintay isaga oo aad uyar.kadib waxaa loo diyaariyay sidii loogu dooranlahaa booskii aabihii, kadib waxa uu waxbaradsho kabilaabay dugsi kuyaala gudaha gobalkiisa sanadii.1930 kadib waxa uu ku biiray jamacada harfort.laakin waxa uu kabaxay sanadii 1940 isaga iyo saxibkiisioi qaaliga ahaa ee.olafiyer tanbo.kabixitaankaa jaamacada waxa ay kadanbaysay kadib markii.lagu eedeeyay in ay ka qaybgaleen mudaharaad arday madawahaa ay samaysay.waxa la ogayahay in mandeela uu soomaray xili ardaynimo oo aad u adag.