Portal:Afrika/Wadanada/Wadan xul ah/2

Ka Wikipedia
Mali

Mali(Af Carabi : ar‎) waa wadan kamida wadamada kuyaala galbeedeka Afrika xuduudaha maali waa sidan dhanka waqooyi waxa kaga aadan wadanka Aljeeriya barigana waxa kaxiga wadanka Nayjar. dhanka koonfurta waxa kaxiga wadamada. Burkina Faso iyo Xeebta Foolmaroodi waxa kale oo dhanka galbeed ay maali xuduudo kala wadaagtaa wadamada. Sinigaal iyo mauritania. badka ay maali ku fadhido waxa lagu qiyaasaa, 1,240,000km².tirada dadka kunooli qiyaastii waa, 14.5 milyan oo qof caasimaduna waa magaalda Bamako. waxa ay maali ka koobantahay sideed gobol oo waawayn xuduudeeda waqooyi waxa ay soogaadhaa badhtamaha Saxaarawayn. laakiin dhanka waqooyi oo ah halka dadka ugubadani ay kunoolyihiin waxa mara wabiga Wabiga Nijer dhaqaalaha ugubadan ee wadankuna waa beeraha iyo xoolaha. waxa kale oo maali laga hela waxyaabo dabiiciya sida dahabka yuraaniyoomka iyo xadiidka. farnsiisku waxa uu maali qabsaday dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad.