Portal:Bahda Qoraxdu Midaysay/Maqaal xul ah/18

Ka Wikipedia
Meereyaasha iyo xajmigooda. Labada ugu sareeya: Uraano (Uranus) iyo Docay (Neptune); Sadexda dhexe: Dhulka, xidiga Sirius B iyo Waxaraxir (Venus); Qeybta hoose: Dusaa (Mercury) iyo Farraare (Mars); Ugu hooseeya: Dayaxa, Meereyasha yar-yar Buluuto (Pluto) iyo Haumea.

Meere (Af Ingiriis : Planet; Af Carabi : ar‎) waa dhul ama duni ka sameysan dhagaxaan, caro iyo hawo oo ku wareegta xidig ama qorax. Sida Cilmi Fallagu sheego waxa jira in ka badan balaayiin meereyaal Koonkan eeynu ku noolnahay. Meerayaasha waxaa guud ahaan loo qeeyniyaa labo: mid xajmi wayn oo cufkiisu yar yahay kana samaysan hawooyin iyo mid xajmi yar oo cufkiisu wayn yahay kana samaysan oogo dhagaxaan ah. Iyadoo la tix raacayo qeexida hay'ada Cilmi Fallaga ee dunida IAU (Midowga Cilmiga Xidigaha), waxa si rasmi ah loo aqoonsan yahay ineey jiraan 8 meere Bahda Midaysay Qoraxdu ama (Solar System). Sideedaas Meere waxay kala yihiin Dusaa (Mercury) oo Qorraxda ugu dhow, Waxaraxir (Venus), Dhulka iyo meeraha Farraare (Mars).

Meerayaasha waawayn ee neefta ka samaysan; Cirjeex (Jupiter), Raage (Saturn), Uraano (Uranus) iyo meeraha Docay (Neptune).

Ka dib waa meerayaasha xajmiga waaweeyn ee ka samaysan hawada iyo boodhka ee Cirjeex (Jupiter), Raage (Saturn), Uraano (Uranus) iyo meeraha Docay (Neptune). Sidoo kale waxaa jira meerayaal yar-yar oo dhamaantood baraf, hawo iyo xoogaa caro ah ka sameysan waxaana ka mid ah meeraha yar ee Bluto (Pluto) oo waqtiyadii hore loo aqoonsanaan jirey in uu ka mid yahay Bahda Midaysay Qorraxdu. Meerayaashu weey kala xajmi duwan yihiin oo kala cimilo duwan yihiin. Meerayaasha qaar, sida Dusaa ama Venus aad ayuu u kulul yahay maadaama qoraxda aad ugu dhow yahay. Halka meerayaasha qaar leeyihiin dayaxyaal aad u faro badan, sida meeraha Raage ama Saturn wuxuu leeyahay 32 dayax oo ku wareega meerahaasi.