Portal:Bahda Qoraxdu Midaysay/Maqaal xul ah/6

Ka Wikipedia
Wareega meeraha Dhulka.
Wareega meeraha Dhulka.
Nidaamka wareega meere
Nidaamka wareega meere

Wareega Meere (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : planet rotation) sida la isku waafaqay, dhamaan meereyaashu waxay ku wareegaan xidig (qorax). Tusaale ahaan, meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay dhamaantood waxay ku wareegaan qoraxda, jiho la mid ah tan qoraxdu u ged-gedoonto (waa qaab la mid ah habka saacadu u wareegto "clockwise"). Ugu yaraan, hal meere, WASP-17b, oo aad inooga fog ayaa la arkey inuu u wareego jiho ka duwan tan xidigtiisu u gedoonto. Wakhtiga ay meere ku qaadato inuu dhamaystiro hal wareeg oo uu ku soo duurayo qoraxda waxaa loo yaqaanaa sanad. Hadaba sanadada meerayaashu way kala duwan yihiin taasi oo ku xidhan kolba masaafada iyo fogaanta uu u jiro qoraxda. Meeraha ugu fog masaafada qoraxda ayaa ugu sanad dheer isla markaana ugu socod gaaban sababtoo ah aad ayuu uga dheer yahay cufisjiidadka qoraxdaasi. Dhulku wuxuu ku wareegaa qoraxda asagoo u jira masaafo dhan 150 milyan kilomitir wakhti dhan 365.2564 maalmaha qoraxda, hal sano. Wareegan waxaa keena mid kale oo dhulku ku wareego xariijintiisa, asagoo ka soo wareegaya bari ilaa dhanka galbeed. Midan oo qaadata wakhti dhan 24 saac ayaa dhalisa habeenka iyo maalinta. Inta uu ku gudo jiro wareega qoraxda, dhulku wuxuu ku socdaa xawaare ah 29.8 km/ilbiriqsi oo u dhiganta 107,000 km saacadiiba. Dayaxa oo ah mid ku wareega dhulka wakhti 27.32 maalmood ah ayaa u jira dunida masaafo dhan 384,000 km. Marka la isku daro wareega dhulka iyo dayaxa ku sameeyaan qoraxda, bisha dayaxa ilaa bisheeda kale waa wakhti ah 29.53 maalmood, waa waxa aan u naqaano hal bil.