Portal:Carabta/Maqaal xul ah/1

Ka Wikipedia

Af-Carabi waa luqadaha ugu badan ee lagu hadlo iyo dhawaq ahaana ka tirsan Luqadaha Semitiga, waana mid ka mid ah luqadaha ugu badan faafitaanka adduunka, waxaa ku hadla in ka badan 422 malyuun oo qof, wkuwa ku hadla waxay ku kala baahsanyihiin Dalka Carabta, iyo marka lagu daro meelo badan ee dhaw dhaw sida axwaaz iyo Turkiga Jaad, Maali, Sinigaal, Eletareeya, Itoobiya, Koonfur, Suudaan iyo Iiraan. Af-Carabi wuxuu ahmiyad u leeyahay muslimiinta waa laqad muqaddas ah (luqadda quraanka), salaadi ma ansaxdo (iyo cibaadada kale) ee islaamka adigoon ku dhawaaqin wax ka mid ah ereyo carabi ah. Sidoo kale luqadda carabi waxay tahay astaan muhiim ah kuwa ka mid ah kaniisadaha Masiixiyiinta ee Dalka Carabta, sidoo kale waxaa lagu qoray howlaha ugu muhiimsan ee diimeed fikradee, ee yahuuda casriyadii dhexe. Markii uu islaamka faafayay iyo aasaasankii dalalka, baa sare u aqaaday heerka luqadda carabiga, waxa ay noqotay luqadda siyaasadda iyo cilmiga iyo suugaanta qarniyo badan dhulalka ay soo xukumeen muslimka luqadda carabiga waxa ay saamaysay saameeyn toos ah ama aan toos ahayn luqado badan ee dalalka islaamka, Turkida Faarisiga Amaasiiqa Kurdida Urduuga Malaysiya Indoniisiya Albaaniya iyo qaybo kale ee luqadaha Afrika ah sida Hawsaha Sawaaxiliga Tigreega, Amxaarada Soomaaliga, iyo luqadaha yurubta gaar ahaan kuwa dhexda Isbaanishka Burtuqiiska Maalta Sishiiliya. Sidoo kale waxaa wax lagu bartaa si rasmi ah ama aan rasmi ahayn dalalka Islaamka dalalka Afrika ee u janjeera Carabta, Carabiga waa luqadda rasmiga ah ee dhammaan dalalka carabta marka lagu daro Jaad Eletareeya iyo Israaiil.

...Kayd dheeraad...