Portal:Cunto/Qaybaha

Ka Wikipedia

1. Khudaar:

salad buuxda oo noocyo badan oo khudaar ah ku jiraan.

Khudaar (Af Carabi : arAf-Taliyaani : verdura Af Ingiriis : vegetable) waa midho ka baxa dhirta kuwaas oo lagu darsado cuntada. Khudaartu way ka duwan tahay midhaha, sababtoo ah midhuhu waa cunto bisil oo in la kariyo u baahnayn, laakiin inta u badan khudaarta waa in la kariyo ka hor intaan la cunin. Khudaarta maalin walba dadku isticmaalaan waxaa ka mid ah: basasha, tamaandhada, barandhaha, saladhka, toonta, kaarootka, besbaaska, iyo kuwo kale oo badan.

Midhaha firileeyda ah ee yaryar, sida bariiska iyo qamadiga lama odhan karo waa khudaar, sababtoo ah waxaa loo yaqaanaa firileey.

2. Hilib:

Noocyo kala duwan oo hilib ah

Hilib(Af Ingiriis : meat; Af Carabi : ar‎) waa jiidhka xayawaanka kaasi oo dadku u quutaan cunto ahaan. Sida caadiga ah, aadamuhu (dadka) waa gebi-quute (Saynis ahaan omnivorous), taasi micnaheedu waa in dadku quutaan hilibka iyo caanaha xayawaanka iyo dhamaan kheyraadka dhirta.

Tan ilaa iyo kumanaan sano ka hor dadku waxay ku tiirsanaayeen hilibka xayawaanka iyo midhaha dhirta ayagoo isticmaali jirey Ugaadhsi iyo Qadhaabsi. Si kastaba ha ahaatee, horaantii ilbaxnimada aadamaha ayaa dadku bilaabeen ineey dhaqdaan xoolo si loo manaafacaadsado kheyraadkooda. Hilibku wuxuu ka kooban yahay biyo, borotiin, iyo dux waana cunto aad ugu muhiim ah jidhka iyo caafimaadka dadka.

Hilibka waxaa laga helaa xayawaanka. Hilibka waxoo ka sameysanyahay, murqo,ama seed, iyo subak. Hilibka waxoo leeyahay brotiin, aad u badan oona muhiim u ah, korka ama jirdhiska bini aadanka. Hilibaha la cuno wee kala duwan yihiin. Hilibka soomaalida cunto, waxaa ka mid ah, hilbaha xalaasha ah, sida Hilibka Lo'da, Geelka,adhiga, Idada, Malaayga,doorada iyo Sagaarada.Dadka aduunka ku nool waxaa saaid uugu ah Hilbaha ee cunaan, sida Hilibka Doofaarka, Eyga, Fardaha, yaanyuurta,Dooliga,Masaska,iyo Caaro caaro. Iyo wax badan oo la tiri karin.