Portal:Dhul/Qof xul ah/3

Ka Wikipedia

Raage Ugaas Warfaa markii dambe noqdey Ugaas Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa ugaas, hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso badhtamihii qarnigii 19aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya. Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha Gadabuursiga, waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab. Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn. Wakhtiyadii uu kureyga ahaa ayuu Raage Ugaas bilaabey inuu tiriyo tixo gabay ah. Inta la hayo maanta gabayadii ugu horeeyay ee Raage Ugaas waxaa ka mid ah ereyadan:

Aw-Muuse waa hoorin jirey, hadal nin waayeel ah Ina-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye Odawaa Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare Anna hooto ridey gabay hadduu, haybad leeyahaye Dhallinyarada haatana ma jiro, Hawle oo kale'e .

Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay. Sidoo kale, markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Xuseen waxaa la caleemo saaray Ugaas Raage oo qabtay talada Ugaasnimo ee beelada Gadabuursi taasi oo uu hayay ilaa horaantii qarnigii 20aad. Dhinaca kale, Ugaas Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax "Wiilwaal" ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal.