Portal:Latin Ameerika/Maqaal xul ah/3

Ka Wikipedia
Caasimada Sow Bowlo

Sow Bawlo, Saw Bawlo (Af Ingiriis : Sao Paulo; Bortaqiis: São Paulo /ˌsaʊ ˈpaʊloʊ/) waa magaalada ugu dadka badan wadanka Barasiil ee Koonfurta Ameerika, magaalada ugu wayn dhamaan deegaanada koonfurta dhulbadhaha, iyo mida 11aad ee ugu balaadhan iyo dadka badan ee dunida. Sidoo kale, magaaladan Saw Bowlo waa caasimada iyo magaalo madaxda Sow Bawlo, oo ah deegaanka ugu dadka badan wadanka Baraasiil. Magaaladani waa xarun ganacsi, waxbarasho, diin, madadaalo iyo bar-tilmaameed dalxiise. Saw Bowlo waxa tiraba labo jeer lagu qabtey koobka Ciyaaraha Kubada Cagta sanadadii kala ahaa 1950kii iyo 2014ka. São Paulo waa magaalo ku taalo dalka Barasiil. Magaaladaan waxaa degan dad gaaraayo ilaa (11,037,593 qof). Sidoo kale waa caasimada Gobolka São Paulo. Magaaladaan waxee ka midtahay magaalooyinka ugu weyn aduunka.