Portal:Somaliland/Maqaal xul ah

Ka Wikipedia

Maqaal xul ah

Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/1

Magaalada Borama
Boorama (sidoo kale loo yaqaano Borame iyo Boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama. Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.

Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.


Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/2

Wadanka Somaliland wuxuu leeyahay tiro badan oo godad qadiimi ah, qaarkood ilaa hadda aan la helin.

Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/3

Saldanada Cadal (sidoo kale loo yaqaanay Boqortooyada Adal) waxay aheyd boqortooyo xukumi jirtay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Awdal ee waqooyiga Somalia, meelo ka mid ah dhulka Itoobiya iyo Jabuuti ilaa Eratareya. Boqortooyada Cadal waxey ka mid ahayd boqortooyada ugu taariikhda dheeraa uguna awooda weynaa gayiga iyo deegaanada ay dagaan dadka Soomaaliya iyo agagaarkooda. In kastoo boqortooyadu ka bilaabantey magaalada taariikhiga ah ee xuddunta u ahayd ee Saylac waxay saldhigyo waaweyn ku lahayd magaalada Harare iyo nawaaxigeeda.

Magaalada Saylac ayay ka bilaabantey boqortooyadu ka dib ku fidey deegaanka geeska Afrika. Sanadihii 1415 ilaa 1577 ayay boqortooyada Cadal ugu awood badneyd goortaas ooy maamuleysay in ka badan shan kun oo kilomitir isku wareeg ah.


Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/4 Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1952. Wuxuu malcaamadda quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama. Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974. Kadib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabadsugisaa ee NSS Sannadkii 1975.


Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/5

Ciidamada Somaliland (sidoo kale loo yaqaano Ciidanka Qaranka) waa ciidanka xooga ee dowlada Somaliland. Ciidamada somaliland waxa ay fadhiisimo iyo saldhigyo ku leeyihiin dhamaan wadanka. ciidamada somaliland waxa ay leeyhiin dhamaan qaybaha ciidan ee wadan yeesho.

Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/6 Gasiirada Saacadiin sidoo kale loo yaqaan gasiiradaha Sacaada-Diin waa gasiirad ku dhex taala biyaha gacanka Cadmeed ee Bada Cas taasi oo 7 km u jirta magaalada taariikhiga ah ee Saylac. Gasiirada Saacadiin waa mid aad u balaadh oo lagu qiyaasey 12 km isku wareeg ah (12 km²).


Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/7

Somaliland shilin waa lacagta laga isticmaalo Somaliland. Waxa la hirgaliyay daabacaadda iyo isticmaalka lacagtan, 18 Oktoobar 1994. Waxa ay ka kooban tahay lacagta Somaliland waraaqo iyo biro kil sidan soo 1, 5, 10, 20, 100, 500, 1000 iyo 5000.