Portal:Soomaaliya/Ma Ogtahay

Ka Wikipedia

Dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed waxa uu ahaa dagaal dhexmaray somaliya iyo Itoobiya. Kaasoo u jeedada dagaalku u bilaabmay ay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya amaba ogaden ee Soomaalida utaqaan Soomaali Galbeed. kadib markii ay fashilmeen dhamaan wada hadaladii siyaasadeed ee ku saabsanaa arinta gobolka ogaden ayaa ciidamada somaliya waxa ay weerar ku qaadeen wadanka Itoobiya.

Todobaadkii ugu horeeyayba waxa ciidamada soomaaliya u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan bartamaha iyo koonfurta gobolka Soomaali Galbeed.

Intii dagaalku socday waxa ay ciidamada soomaaliya marba marka kadanbaysa kasoo hooynayeen guulo isdaba joog ah waxa ay ciidamada soomaaliya eryanayeen ciidamada itoobiya ilaa ay laga gaaro goobta looyaqaano Sidamo.

Markii la gaadhay sebtembar sanadkii 1977 ciidamada soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Soomaali Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka.

Kadib markii ciidamada soomaaliya ay go'doon galiyeen magaalda Harar waxa dagaalka soogalay oo kuuba isisoo garabtaagay wadankii la odhan jiray Midowga Sofiyet.

Sofiyeedku waxa uu taakulo dhanwalba leh siiyay ciidamada iyo dawladda Itoobiya, waxa kale oo uu sofiyeedku ugu deeqay itoobiya inkabadan 18,000 oo askari oo kayimi wadanka kuuba, taaso oo keentaya in ciidamadii soomaaliya dib loosoo jabiyo laguna qasbo in ay kabaxaan gobolka Soomaali Galbeed.