Pr.axmed jimcaale (kaastaro)

Ka Wikipedia

pr.axmed jimcaale kaastaro waxa uu ka soo jeeday gobolka galguduud gaar ahaan deegaanka masagawaa waxa uu ka mid ahaa aas aasayaashii jaamacadda muqdisho waxa una ku geeriyooday magaalada muqdisho sanadkii 2008kii isla jaamacadda dhexdeeda xili uu bixinaayay darsi,

aniga oo ah C/raxmaan Zaylaci waxaan jeclaaday in aan ku biiriyo qoraalkan waxii aan ka xasuusto Prof.Axmed Jimcaale Maxamed oo ku magac dheeraa Prof.Kaastaro oo ahaa macalinkaygii JaamacadDa Muqdisho Mushrifna ka ahaa qoraalkii qalin jabintayda oo ahayd Taariikhdii iyo ilbaxnimadii Herer, mana iloobi karo kaalintiisii iyo tilmaamihiisii iyo aqoontii aan ka baranay

waxaana uu u geeriyooday madfac ku soo dhacay xarunta Jaamacadda Muqdisho ee Degmada Hodan. Prof. Kastaro waxa uu ku soo bartay dalka Masar isagoo wax ku soo bartay Jaamacadda Al-ashar xilliyadii Todobaatanaadkii qarnigii tagay waxa uu ku takhasusay Cilmiga Taariikhda, waxa uu Master ka soo qaatay dalka Suudaan kuna qaatay Taariikhda Boqortooyadii Islaamka ee Soomaalida ee IIFAAT, Prof.Axmed Jimcaale waxa uu ahaa macalin qiimo badan, waxa uu ka mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummada gaar ahaan kuliyadii waxbarashada ee Lafoole,burburkii kadib waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii dhidibada u taagay Jaamacadda Muqdisho 1997, waxa uu ahaa haldoor cilmiyeed oo aan la ilaawi karin. Alle ha u naxariisto Macalinkeenii taariikhyahan ..aqoonyahan..barbaariye..Prof.Axmed Jimcaale Kaastaro AAMIIN