Puntland maanta iyo shalay
Appearance
Prof hirad
M.GAAS vs M. FAROOLE
Markuu Cabdiraxman Mohamed Faroole noqday madaxweynaha Puntland wuxu sitay laba buug oo waaweyn-mid wanaagsan iyo mid xun.
Kan wanaagsani waxa ku qornaa in madaxweynihi hore uu aha nin aad wax u bartay oo intaan la dooran ku talajirey inuu PHD qaato.
Buugga xumi waxaa ku qornaa: in Mr. Faroole markuu qaatay wixii ku jirey oo dhan inuu albaabada isugu xidhay wasaaradda maaliyadda waqtigii cabdullahi Yusuf ee Faroole wasaaradda hayey. Waxa kaloo buugga xun ku qornaa in Faroole ahaa qabiiliste ay si fudud caaddifaddu u qaado. Tan danbe waxaa tusaale u ah weerarkii uu ku qaaday golaha barlamaanka waqtigii Cadde Muuse. Dadku waxay lahaayeen nin tixgelin waayey hoyga dadka laga maamulo oo inamo ay isku jiffo yihiin u soo kaxaystay si uu xoog ku muquuniyo dowladdi sideebu madaxweyne u noqday.?
Intii u xilka hayay dowladdisi waxay noqotay mid ka bur burtay siyaasadda gudaha & dhaqalahaba Inkasto u ku roona xagga ciidamada.
Madaxwayne GAAS dhinaca wanaga haddan u eegno wax badan ayaa ka jira Inuu waxbarasho heer sare ah leeyahay waa mid dadka rajo gelisey lkn Sideedaba, Waxbarasho abuuris ilaah ma bedesho oo Waxbarashada keligeed qof ma wanaajiso mana xumeyso. Qofkii ilaahay maskax wanaagsan iyo dadnimo siiyey ayey u sii siyaadisaa wanaagiisa iyo waxgarashadiisa. Laakiin GAAZ oo markiisii horeba aan u dhalan garasho, waxbarashadizu dadnimo ma gelinayso.
Asalkeeda waxbarasho waa taariikh oo waxay qofka xilka haya siisaa waaya aragnimo uu ku xallilo dhibatooyinka la so gudboonada. Markay dhibaato la soo gudboonaato wuxu qofku soo qaata tusaalooyin dad dhibaatadan mid la mid ahi la soo gudboonadeen, wuxuuna eega sidey u abbaareen. Qofka waxbartay wuxuu kaloo helaa tababar u ku eego dhowrka weji ee arrinta hortaala yeelan karto. Wuxuu kaloo awoodaa inuu si qoto dheer uga fekero sida xalinta dhibaatadu noqon karto.