Qabribayax

Ka Wikipedia

Qabribayax waa magaalo-madaxdii gobolkii Awraaje Zone xiligii dawladii dhargiga hadana ah degmo ka tirsan gobolka Faafan,

Qabribayax Waxay ka mid tahay magaloyinka ugu muhimsan deeganka Somali State markii la fiiriyo ahmiyadda meel-dhaceedka juqraafi cimilada, iyo inay tahay dhul kufiican beeraha iyo daaqsinka IWM.

Qabribayax waxaa la degey qarniyaal ka hor, waxay magaalowdey dhammaadkii qarnigii 19-aad.

Dawladii dhargiga uu hogaaminayay mengistu ayaa Sanadkii 1976, waxay Qabribayax kadhigeen magaalo-madaxda gobolka awraaje zone .

Intaas Kadib markii ay xukunka lawareegeen dawladii tigregu hogaminayay ee malaz, ayay Sanadkii 1987 waxay Qabribayax kala noqodeen gobolkii, ay magaalo-madaxda u ahayd waxayna kaliya kadhigeen dagmo.

Magaalada Qabribayax waxay meel la xuso kaga jirtaa taarikhda iyo dhaqanka soo-jireenka ah ee Soomaalida, sidaa darteed waxay leedahay kayd ballaaran oo Astaynaya suugaantii iyo dhaq-dhaqaaqyadii siyaasadeed ee hanashada gobonimo u Dirir-kii somaali galbeed.

Waxaa xusid mudan in xilligii Gobonimo u dirirka Somali galbeed ay qabribayax ahayd xarun maamul oo laga maareeyo hawlaha ciidanka iyo duulanada, maadamada ay ahayd goob istaraatiiji ku aaddan, taasoo magaalada macne iyo qiime dheeraad ah u yeeshay.

Bulshada Degmada Qabribayax waa Dad ku tiirsan ganacsiga, sidoo kale ah dad xoolo dhaqashada iyo beeraha ku tiirsan.

Degmadu waxay ka kooban tahay magaalo-madaxda Qabribayax iyo in kabadan 26 tuulo oo hoos yimaada dagmada.

Degmada Qabribayax waxay juqraafi ahaan ku fadhidaa baaxad dhan 19.8 km² .

Magaalada Qabribayax iyo tuulooyin badan oo ka tirsan waxaa dhexmara jid laami ah oo isku xira dhagaxbuur, araarso , qabribyax iyo jigjiga . dhererkiisuna dhan yahay 300 Km. Jidkani waa kaabaha halbowlaha u ah dhaqaalaha, dhaqdhaqaaqa, iyo isku socodka dadka iyo kala gudbinta badeecdaha.

Tirada dadwaynaha ku nool degaanka degmada Qabribayax guud ahaan waxaa lagu qiyaasaa inkabadan 450,000 oo qof .

Kadib Burburkii dawladii dhexe Somalia Dagaalladii sokeeye ee dalka Somalia ka dlilaacay waxay sababtay in qabribayax magan galiso inkabadan 30,000 oo qof barakacyaal ah. Kuwaaso deganasho dhuleed ay siisay.

Dagmada qabribayax waxay ka kooban tahay 7 xaafadood oo kala ah

1- xaafada koowaad
2- xaafada labaaad,
3- xaafada 3aad
4- xaafada Afraad,
5- xaafatul bikayr.
6- xaafada saylada 
7- xaafada garsoor iyo dhanka hoose ee magaalada oo aan magac xaafadeed lagu tilmaamin wali .

Degmada qabribayax ayaa ah mid xawaare sare ku koraysa, horumarna laga dareemayo xaga aqoonta, dhaqalaha iyo arimaha bulshada intaba Ayadoo ay kuyaalaan dhamaan heerarka kala duwan ee dugsiyada waxbarashada kuwaasoo gaarsiisan ilaa heer dugsi sare. Ilaa jaamacad, dagmada qabribayax waxay ay leedahay dhaqaale farabadan sababtuna waa deganada hoos yimada, iyo wax soosaarkeeda ganacsi.

Dagmada qabribayax waxaa kamidda dadka caanka ah ee u dhashay,

1: Governor -kii xukumayay deeganada LA isku dhaho hararge, oo ay kamidyihiin oromada iyo hererida, Abdulahi Suldaan Bade, oo ugu danbayntii mingeste uu ku dilay magaalada godey, kadib markii uu kufarxay aadna uu usoo dhaweeyay qaadashadii xornimada dalka Djibouti.

2 :Xaawo Taako 3: Abwaan camanje. 4:wasiirkii hore dawlada Ethiopia ahna, safiirka dalka Kuwait, abdifatah sheikh Abdulahi. Iyo dadkale oo badan

sidoo kale qabribayax waxay ahayd qasrigii taliskii saladanadii Suldaan Bade Suldaan Cabadiqarbosh.

Taarikhada magaalada intaas laguma soo koobi karo waxay leedahay taarikh aad udheer.

Qore : Suldaan Yahye