Qararo Hawiye

Ka Wikipedia

Qararo-Xagar Ex Qararo-Hawiye Waa Degmo ka Tirsan Gobolka Togdheer Waxay 23km Dhanka Bari Kaga Beegan tahay Degmada Buhoodle.

Degmada Qararo-hawiye Waxaa Dega Reer Fiqishini Oo Ah Jifo Ka Tirsan Beelweynta Ayaanle Cayr Habargidir.

Degmadu waxay ka Kooban tahay 6 Xaafadood oo kala ah (TUULO CAWO,TUULO ARDO, LAANTA HAWADA, ISDHAGAYSO, XAFADAHA GALBEEDKA IYO XAFADAHA GAROONKA.)

Degmadu Waxay leedahay Labo Hosbital 1 Hooyada iyo dhalaanka oo ku yaala Galbeedka 2.Cisbitaalka Wayn oo kuyaala Bariga Magalada,

Degmadu waxay leedahay labo school Hoosaad oo 1. Schoolka dowlad deegaanka oo ku yaala bariga magaalada 2. Schoolka Qararo primary school oo ku Yaala Galbeedka magaalada,

Sido kale Degmadu waxay leedahay Garoomo kubadeed sida Garoonka weyn ee xulka degmada, Garoonka warsame, Garoonka Hassan liibaan iyo Garoomo yaryar oo ay ku ciyaaraan naadiyada yaryar ee Xafadaha,

Degmada Qararo-Xagar waxay leedahay labo Beerood oo waaweyn 1. Beerta cali xirsi oo ilaa 20 hector ah 2. Beerta ku madheedhi oo ilaa 15 hector ah,

Qararo-Xagar Dadkeedu waxay ku Tiirsan-yihiin Xoolaha Nool ee la Dhaqdo sida Geela, Adhiga iyo Lo,da,

Tuulooyinka iyo deegaanada hoostaga degmada Qararo-Xagar waxaa ka mida 1.Deegaanka Cagaar-beenle 2. Deegaanka Tuulo haybe 3. Degaanka Birta dheer 4. Deegaanka Guurta geel qoreed,

Degmadu waxay ka wada Tirsan Tahay labo maamul.

1. Maamulka Dowlad Deegaanka somalida Itoobiya Waxayna Hoostagtaa degmada Bookh 2. Maamulka SSc-Khatumo of Somalia Sool, Sanaag iyo Cayn,

Degmada Qararo Bed ahaan waa 346km isku wareeg ah qiyaas ahaan

Waxay leedahay dhul daaqsimeed xoolo dhaqashada ku fiican sida

- Buuro - Jeexyo - Dhudhub - Carisyo - Banaano Fidsan - Dhul cufan oo xagar iyo bisiq ah - Dhul Howd ah - dhul iskudhaf ah


Xuduudaha degmada Qararo-Xagar ay la wadaagto degmooyinka Gobolka Cayn

- Galbeed waxay xuduud kala leedahay degmada buuhoodle.

- Waqooyiga waxay xuduud kala leedahay magaalada Dandan

- Bariga waxay xuduud kala leedahay magaalada xamar laguxidh -

- Koonfurta waxay xuduud kala leedahay magaalada Cunbaal