Raadinta Google

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Raadinta Google
GoogleLogoSept12015.png
Cinwaanka www.google.com (Mareykanka)
Nooca site Bar Wax Raadin
Diiwaan-gelin Ikhtiyaar
Diyaar ku ah 123 luuqadood
Written in Python, C, C++[1]
Mulkiilaha Google
La bilaabay isticmaalka Sebteembar 15, 1997 (1997-09-15)[2]
Revenue Xayaysiis
Alexa garaado Steady 1 (April 2015)[3]
Hada Hada shaqeeynaya


Kani waa maqaal ku saabsan barta waxraadinta ee Shirkada Google. Qoraalo kale fiiri "Google isticmaal kale".

Barta Raadinta Google (Ingiriis: google search; Carabi: بحث جوجل) sidoo kale loo yaqaano Raadinta Google ama Google waa aalad cilmiyeeysan oo loo isticmaalo wax raadinta barta internetka midaasi ooy leedahay Shirkada Google ee xarunteedu tahay gobolka Kalifoorniya ee wadanka Maraykanka.]],[4] handling more than three billion searches each day.[5][6] Barta Raadinta Google, ciwaankeedu yahay google.com, waa mishiinka waxraadinta ugu horeeya dhamaan aaladaha internetka ee dunida, taasi oo lagu qiyaaso in google leedahay 64% dhamaan wax baadhitaanka caalamka. In ku dhow sadex bilyan oo raadin ayaa barta google qaabishaa maalin kasta. Boga wax raadinta ee google wuxuu ku salaysan yahay nidaam loo yaqaano "PageRank" taasi oo u suurtogelisa in ay si fudud iskugu keento hal bog akhbaar aad u badan oo ku keydsan meelo kala duwan oo kala fog iyo wakhtiyo kala duwan.

Raadinta Google[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Taariikhda

Shirkada Google[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shirkada Google
Logo 2013 Google.png
Googlelogo.png
The Googleplex, Google's original and largest corporate campus
U Furan Bulshada
ka ganacsaday sida ganacsi aad u macaash badan
Shirkada
La aasaasay Sebteembar 4, 1998; 21 sanadood ka hor (1998-09-04)
Menlo Park, Kaliforniya[7][8]
Aasaasaha
  • Larry Page
  • Sergey Brin
Xarunta
Qasriga Googleplex, Kaliforniya
,
Meelaha loo adeegsaday
Caalamka oo dhan
Dadka muhiimka ah
  • Larry Page (Maamule sare)
  • Sergey Brin (Xoghayaha Google X)
  • Eric Schmid (Agaasimaha Guud)
  • Ruth Porat (CFO)[10]
  • Sundar Pichai (Hogaanka Wax soo saarka)
Alaabta See Tirada Soo Saarka Google
Dakhliga Green Arrow Up Darker.svg US$66.001 billion (2014)[11]
Green Arrow Up Darker.svg US$16.496 billion (2014)[11]
Green Arrow Up Darker.svg US$14.444 billion (2014)[11]
Dhamaan hantida Green Arrow Up Darker.svg US$131.133 billion (2014)[11]
Dhamaan sinaanta Green Arrow Up Darker.svg US$104.5 billion (2014)[11]
Tirada inta ka shaqeeso
57,148 (Q2 2015)[12]
Iska leh Shirkada Alphabet
kaabayaasha Tirada xubnaha maamulka
Website www.google.com
Footnotes / references
[13]

Shirkada Google, Google waa shirkad Ameerikaan ah, bilyandheer ah oo sameeysa, soo saarta, iibisa aaladaha ku xidhiidha internetka midaasi oo ah mulkiilaha Raadinta Google. Shirkadani waxay ka ganacsataa xayaysiiska, iidhehda, kireeynta websiteyada, softwareyada, raadinta akhbaarta iyo waxyaabo kale oo badan.[14] Google waxaa la sameeyay dhamaadkii sanadkii 1998kii, waxaa sameeyay laba nin oo lakala yiraahdo Larry Page iyo Sergey Brin oo ahaa laba arday oo Yahuud ahaa oo wax ka baran jiray Jaamacadda Stanford ee kutaala dalka Maraykanka. Labadan nin wadajir ahaan waxay leeyihiin 14% dhaqaalaha shirkada, laakiin waxay maamulaan 56%, taasi oo awood buuxda u siinaysa jiheynta iyo gacan ku heynta shirkada.[15][16] Shirkadani google waxay maamushaa 64% raadinta onlineka (online search) ee internetka caalamka, taasi oo ka dhigeysa mida koowaad ee ugu awooda badan waxbaaritaanka internetka ee aduunka. Adeegyada shirkada google waxaa ka mid ah aalada Raadinta Google (google search), warqaadaha Gmail, aalad wax lagu keydsho ee Google Drive, adeegyada xafiiska ee loo yaqaan Google Docs, barta bulshada ee Google+, sawiraan, fariimo, softwareka Android, aalada Chrome-ka, OS (operating system), turjumaad, iyo adeegyo badan oo kala duwan oo dhamaantood la xidhiidha internetka.[17] Shirkada google waxay sidoo kale leedahay websiteka sawir-socdaha ee youtubeka iyo barta wax-qoraalka ee blogger-ka loo yaqaano. Intaasi waxaa dheer in google ay ku soo baxdo in ka badan 150 luuqadood kuwaasi oo uu ka mid yahay luuqada Af Soomaaliga. Bishan Agoosto 2015ka, shirkada google waxay ku dhawaaqdey ineey sameeysay shirkad waalid u noqoneysa dhamaan shirkadaha iyo wakaaladaha ku abtirsada google, midaasi oo loogu magac daray Alphabet Inc.[18][19]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "The Anatomy of a Large-Scale Hypertextual Web Search Engine". Computer Science Department, Stanford University, Stanford, CA. Retrieved January 27, 2009. 
  2. "WHOIS". Retrieved January 27, 2009. 
  3. "Google.com Site Info". Alexa Internet. Retrieved 25 April 2015. 
  4. "Alexa Top Sites By Category - Search Engine Ranking". Retrieved May 16, 2013. 
  5. Digital Indians: Ben Gomes
  6. "Almost 12 Billion U.S. Searches Conducted in July". SearchEngineWatch. September 2, 2008. 
  7. "Company". Google. Retrieved January 16, 2015. 
  8. Claburn, Thomas. "Google Founded By Sergey Brin, Larry Page... And Hubert Chang?!?". InformationWeek. Retrieved August 31, 2011. 
  9. "Locations - Google Jobs". Google.com. Retrieved September 27, 2013. 
  10. "Management Team - Company - Google". 
  11. 11.0 11.1 11.2 11.3 11.4 "Google Inc. 2013 Annual Report Form (10-K)" (XBRL). United States Securities and Exchange Commission. February 12, 2014. 
  12. "Google Inc. Announces Second Quarter and Fiscal Year 2015 Results". Google. 
  13. "Google Inc. Annual Reports". Google Inc. July 28, 2014. Retrieved August 29, 2014. 
  14. Fiiri: List of Google products.
  15. "Financial Tables". Google, Inc. Retrieved May 2, 2012. 
  16. Vise, David A. (October 21, 2005). "Online Ads Give Google Huge Gain in Profit". The Washington Post. 
  17. "Google Corporate Information". Google, Inc. Retrieved February 14, 2010. 
  18. Rushe, Dominic; Thielman, Sam (August 10, 2015). "Google Creates Parent Company Called Alphabet in Restructuring". The Wall Street Journal. Dow Jones & Company, Inc. Retrieved August 11, 2015. 
  19. Dougherty, Conor (August 10, 2015). "Google to Reorganize in Move to Keep Its Lead as an Innovator". The New York Times. The New York Times Company. Retrieved August 11, 2015.